Canada: Mas'uul shaqada looga eryay gef uu u geystay Muslimiinta

Image
Collin May ayaa hadalkan meel ka dhaca ah wuxuu kasoo yeeray sanadka markii uu ahaa 2009-kii.

TORONTO, Canada - Madaxii guddiga xuquuqul insaanka ee gobolka Alberta ee Canada ayaa lagu qasbay in uu is casilo kadib markii ururo badan ay ku baaqeen in xilka laga qaado sababo la xiriira hadalo naceyb oo uu ka sheegay Islaamka.

Collin May, oo ah qareen ka soo jeeda Calgary, ayaa markii hore loo magacaabay muddo shan sano ah madaxa guddiga xuquuqul insaanka ee gobolka. Wuxuu xubin ka ahaa ilaa 2009.

Laakiin horaantii todobaadkii hore, Golaha Qaranka ee Muslimiinta Kanada (NCCM) iyo ku dhawaad ​​30 kooxood kale ayaa warqad u diray wasiirka cadaalada Tyler Shanro oo ay ugu baaqayaan in May ay iska-casilo xilka kadib markii uu ugu gafey diinta Islaamka hadalo uu jeediyay 2009-kii.

May ayaa waqtigaas wuxuu sheegay in Islaamku "aysan ahayn diin nabdoon oo ay si xun u adeegsadaan xagjiriinta" taas beddelkeedana ay tahay "mid ka mid ah diimaha ugu macangagsan ee la yaqaano".

NCCM iyo kooxaha kale waxay tibaaxeen in May uu ogolaadey wadahadal uu la yeesho bulshadda Muslimiinta, laakiin markii dambe uu diiday in uu cayimo waqtiga, ka dibna uu u soo direy qaar kamid ah bulshadda waraaqo uu ugu hanjabayo haddii ay dacwad kusoo oogaan.

Website-ka guddiga ayaa muujiyey in muddo xileedka May uu ku egyahay bishan, balse ma aysan ka hadlin ama shaacin, mana sheegin sababta uu xilka uga tagay ama looga ceyriyey.

Majaladda Middle East Eye oo ka faaloota arrimaha Carabta balse si dhow u tabisa wararka la xiriira tacadiyada loo geysto Muslimiinta ayaa sheegtey in la xiriirtey guddiga balse aysan helin wax jawaab ah.

Warbaahinta Canada ayaa ku waramaysa in Collin May uu dacwad u gudbinayo maxkamada isaga oo ku eedeynaya guddiga in ay shaqadda uga eryaan "sababo aan fahfaahin laga bixin".

Dambiyada nacaybka ee ka dhanka ah bulshooyinka Muslimiinta ah ee ku nool Kanada ayaa kordhay 71 boqolkiiba sanadka 2021, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay hay’adda dawladda ee Statistics Canada oo la sii daayay bishii hore.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq Gargaar ah siisay Dad danyar ah

Goobaha mashruuca taakulenta bisha Ramadan la gaarsiiyay waxaa kamid ah Dr Xabeen, Maamo Ugaaso, Isbitaalka Martiini iyo SWC.

  • Wararka

    08-03-2025

  • 12:28PM

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq gaarsiisay Xabsiga Dhexe iyo Naafada Qaranka

Sidoo kale, isla Maanta waxay Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ay Lacag Cadaan ah iyo Neef Geel ah.

  • Wararka

    03-03-2025

  • 11:39AM