Ciraaq oo cafinaysa malaayin deyn ay ku lahayd Soomaaliya

Image
Wadarta guud ee deymaha ay Baqdaad ku leedahay Muqdisho waxay ahayd ku dhawaad ​​187 milyan oo dollarka Maraykanka ah.

QAAHIRA, Masar - Agaasimaha Waaxda Geeska Afrika iyo Suudaan ee Jaamacadda Carabta ayaa sheegay in dowladda Ciraaq si rasmi ah ugu soo wargelisay in ay cafin doonto qeyb kamid ah deymaha ay ku leeyihiin Soomaaliya.

Zayd Saban oo wareysi siiyay wakaaladda MENA ayaa xusay in go’aanno kasoo baxay shirar-madaxeedka Carabta ay ku booriyeen dalalka Carabta inay mudnaan siiyaan sidii Soomaaliya looga cafin lahaa qaanta lagu leeyahay.

Marka loo eego tirokoobyada Soomaaliya, wadarta guud ee deymaha ay Baqdaad ku leedahay Muqdisho waxay ahayd ku dhawaad ​​187 milyan oo dollarka Maraykanka ah ilaa December 2019.

Ururka Jaamacada Carabta ayuu hoosta ka xariiqay in uu bilaabey "shaqo aan horay loo arag tan iyo 2016-kii si ay wax uga qabtaan arrimaha deymaha dibadda ee Soomaaliya".

Waxa uu soo hadal qaaday shirkii Jaamacada Carabta iyo Qaramada Midoobay ee bishii hore kaasoo dib loogu eegay hababka lagu taageerayo awoodaha Soomaaliya ee ku wajahan isbedelka cimilada.

Saban ayaa wuxuu ku nuux-nuux-saday in shirkaas ay ka soo baxeen dhowr hindise oo aan horay loo arag oo lagu taageerayo soo celinta dowladnimadda Soomaaliya.

Dalalka Carabta ayuu si weyn ugu bogaadiyey in ay ku taageerayaan Soomaaliya sidii deynta looga cafin lahaa, isagoo muujiyay si gaar ah u soo qaatay Masar oo uu xusay in ay kaalin weyn ciyaareyso.

Heshiiskii sanadkii lasoo dhaafay ee 2022-kii dhexmaray Masar iyo Soomaaliya ee ku saabsanaa in Muqdisho laga furo farac uu Bangiga Banque Misr leeyahay taasoo uu tibaaxay in ay sahleyso iskaashiga maaliyadeed ee labada dhinac.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq Gargaar ah siisay Dad danyar ah

Goobaha mashruuca taakulenta bisha Ramadan la gaarsiiyay waxaa kamid ah Dr Xabeen, Maamo Ugaaso, Isbitaalka Martiini iyo SWC.

  • Wararka

    08-03-2025

  • 12:28PM

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq gaarsiisay Xabsiga Dhexe iyo Naafada Qaranka

Sidoo kale, isla Maanta waxay Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ay Lacag Cadaan ah iyo Neef Geel ah.

  • Wararka

    03-03-2025

  • 11:39AM