Colaadda Laascaanood oo gashay maalintii lixaad xiriir ah

Image
Cabdisalaan Muuse Siciid oo kamid ah shaqaalaha Bisha Cas ee Laascaanood ayaa u dhintey madfac ku dhacay isbitaal uu ku sugnaa.

GAROWE, Puntland - Dagaal magaalada Laascanood ee xarunta gobolka Sool ayaa waxa uu galay maalintii lixaad oo xiriir ah waxaana uu kusoo aadayaa xilli xukuumada Somaliland ay xalay ku dhawaaqday xabad joojin.

Garowe Online ayaa ogaadey in galinkii danbe ee shalay ay ciidamada Somaliland dhaq-dhaqaaqyo ka bilaabeen wadada dhanka Burco ee Laascaanood iyaga oo halkaasi soo dhigay Taangiyo.

Garaad Mukhtaar Garaad Cali Buraale oo xalay hadlay ayaa walaac ka muujiyay xabad joojinta Somaliland, waxaana uu shaki geliyey in talaabadan ay tahay "marin-habaabin" iyo "u diyaar-garowga guluf cusub".

Ardayda Mogadishu University جامعة مقديشو ayaa garab istaag u muujiyay dadkii ku geeriyooday iyo kuwa ay waxyeeladu kasoo gaartay dhul-gariirkii ka dhacay wadamada Turkiga iyo Suuriya.

Duco iyo Qur'aan akhris ayay ardaydu u sameeyeen iyada oo kulanka ay goobjoog ka ahaayeen macalimiin iyo maamulka. Calanka dalka Suuriya oo ay dagaalo iyo kacdoono muddo ka socdeen ayaan kasoo muuqan goobta.

Dhanka kale, Cabdisalaan Muuse Siciid oo kamid ah shaqaalaha bisha cas ee Laascaanood ayaa geeriyooday kadib markii madfac uu ku dhacay isbitaalka gar-gaar ee magaalada, sida ay xaqiijisay bisha cas.

Daray-madoobe oo Laascaanood ka xigta Koonfur Bari kana mid ah meelaha ciidanka Somaliland ay difaaca uga jireen ayaa laga arkay qiiq ka baxaya. Saraakiisha ciidanka SSC ayaa sheegaya in halkaasi ay isku fidiyeen.

Dadka rayidka ah ayaa waajahaya xaalad adag iyada oo sidoo kale ay Somaliland caqabad ku noqotay dhaawacyada dhinaca magaalada Garowe loo soo qaadi lahaa taasi oo haatan ay gaadiidku u soconayaan shan saac iyo ka badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq gaarsiisay Xabsiga Dhexe iyo Naafada Qaranka

Sidoo kale, isla Maanta waxay Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ay Lacag Cadaan ah iyo Neef Geel ah.

  • Wararka

    03-03-2025

  • 11:39AM

Wiil Soomaali labo jir ah oo dhintay isagoo qasab lagu tahriibinayo

Shilkan ayaa ka dhacay English Channel iyadda oo doontooda ay kusii jeeday Ingiriiska.

  • Wararka

    06-10-2024

  • 08:30AM