Cudurka daacuun-calooleedka oo ka dilaacay Suuriya iyo Lubnaan
BAYRUUT, Lubnaan - Lubnaan ayaa ka digtay in cudurka daacuunka dilaaga ah ee ka dilaacay waddankaas uu “si xowli ah ugu faafayo”, iyadoo kiisasku ay sare u kaceen ka dib markii uu cudurku ka faafay dalka deriska la ah ee Suuriya, sidda ay muujineyso warbixin kasoo baxday xukuumadda Bayruut.
Tan iyo 1993-dii, waa markii ugu horeysay uu cudurkan ka dilaaco waddankan dhaqaale ahaan burburay. Inta illaa hadda la xaqiijiyey waxaa cudurkan u geeriyoodey shan qof.
Saraakiisha caafimaadka ayaa saf-mareenkan la xiriiriyey dhibaatada dhaqaale iyo siyaasadeed ee dalkaas wajahayo, saboolnimadda iyo nadaafad-xumadda kaabayaasha muhiimka ah.
Sii-haayaha Wasiirka Caafimaadka Dadweynaha Firass Abiad ayaa u sheegay suxufiyiinta Arbacadii in dowladda ay sameyneyso wax kasta oo ay u awoodo si ay u xakameyso faafitaanka.
Tan iyo 6-dii Oktoobar, Lubnaan waxay diiwaangelisay 169 xaaladood oo daacuun, ku dhawaad kalabar iyaga ka mid ah labadii maalmood ee la soo dhaafay, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka.
Dhibaatadan ayaa yimid ka dib saddex sano oo ciriiri dhaqaale oo aan horay loo arag oo ka jira Lubnaan iyo awood la'aanta in la xakameeyo xudduudaha jilicsan ee dalka ay deriska yihiin ee ay dagaalladu aafeeyeen ee Suuriya, halkaas oo uu cudurku ka dillaacay ka dib in ka badan toban sano oo dagaal ah.
Lubnaan waxay martigelisaa in ka badan hal milyan oo qaxooti Suuriyaan ah, qaar badan oo iyaga ka mid ah ayaa horeba u faqiirsanaa oo ku nool xeryo ciriiri ah oo loogu talagalay barokacayaasha oo aan haysan biyo joogto ah ama nidaamyada bullaacadaha - ka hor inta uusan bilaaban burburka dhaqaale ee Lubnaan.
GAROWE ONLINE