Dad horleh loona haysto qaraxii Istanbul oo xabsi la dhigay

Image
Saddex qof oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Moldavian iyo laba Carab oo dhalasho ahaan aan la cayimin ayaa ku jira dadkan.

ISTANBUL, Turkiga -  Bulgaria ayaa xabsiga dhigtay shan qof oo lagu tuhunsan yahay inay ku lug lahaayeen weerar argagixiso oo ay ku dhinteen lix qof ayna ku dhaawacmeen tobanaan kale oo ka dhacay waddada Istiklal ee Istanbul todobaadkii hore.

Saddex qof oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Moldavian iyo laba Carab oo dhalasho ahaan aan la cayimin ayaa lagu hayn doonaa xabsiga muddo 72 saacadood ah, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee dawladda ee BTA.

Xeer Ilaaliyaha guud ee waddankaas oo ay soo xigatay wakaaladda ayaa maxkamada ka codsan doona in ay amarto sii hayntooda joogtada ah 72 saacadood kadib.

Xukuumadda Bulgaria ayaa ammaantay wadashaqeynta Turkiga ee hannaanka baaritaanka, waxayna sheegtay in tuhmanayaasha ay inta badan ku lug lahaayeen dhaqdhaqaaqyada saadka ka dib weerarkii argagixisada.

Dhinaca kale, ciidamada booliiska Istanbul ayaa gacanta ku dhigay sideed kale oo tuhmaneyaal ah oo lala xiriirinayo weerarkii argagixisanimada ahaa ee lagu dilay 13-kii Nov.

Dowladda Turkiga ayaa, sidda laga soo xigtey Daily Sabah, waxay sheegtay in weerarka oo ka dhacay wadada Istiklal ee dadka badan ay ka dambeeyeen ururka argagixisada ah ee PKK/YPG.

Booliska dalka Turkiga ayaa, sida ku cad warbixinta, wuxuu gacanta ku dhigay ruuxii falkan geystay, waxaana sidoo kale gacanta ku dhigay dad badan oo la tuhunsan yahay.

Sida ay boolisku sheegeen Albashir waxa ay qiratay in ay si sharci darro ah ku gashay Turkiga magaalada Afrin ee dalka Suuriya, ka dib markii ay tababar dhinaca sirdoonka ah ka heshay kooxda argagixisada ah ee YPG/PKK oo iska fogeysay eedeyntan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq Gargaar ah siisay Dad danyar ah

Goobaha mashruuca taakulenta bisha Ramadan la gaarsiiyay waxaa kamid ah Dr Xabeen, Maamo Ugaaso, Isbitaalka Martiini iyo SWC.

  • Wararka

    08-03-2025

  • 12:28PM

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq gaarsiisay Xabsiga Dhexe iyo Naafada Qaranka

Sidoo kale, isla Maanta waxay Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ay Lacag Cadaan ah iyo Neef Geel ah.

  • Wararka

    03-03-2025

  • 11:39AM