Dagaalada Laascaanood oo galaaftay "90 ruux" tan iyo bishii hore
GAROWE, Puntland - Ku dhawaad 70 qof ayaa ku dhintay tiro kalana waa ay ku dhaawacmeen dagaalka magaalada Laascaanood ku dhexmaray ciidamadda Somaliland iyo dadka degaanka afartii casho ugu dambeysay.
Ugu yaraan 69 qof oo ay ku jiraan caruur ayaa lagu dilay magaalada saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay, sida uu khadka taleefoonka ugu sheegay Garowe Online mid ka mid ah dhakhaatiirta isbitaalka.
“Dagaalka maalintii ugu horeysay waxaa lagu dilay ugu yaraan 40 qof. Shalay waxaa jiray ugu yaraan 24 kale oo dhimasho ah, oo ay ku jiraan askarta labada dhinac," ayuu yiri xilli codsaday in aan magaciisa la sheegin.
Dagaalkan ayaa ka bilowday xarunta Sool kadib markii Isniintii todobaadkan ay Isimada, Culimada iyo Wax-garadka gobolka ay ay ku dhawaaqeen in aanay aqoonsanayn maamulka Somaliland.
Qoraal ay soo saareen kuna qornaa English iyo Soomaali ayay ku caddeeyeen in hadda wixii ka dambeeya laga maamuli doono magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
Maamulka Somaliland ee uu hogaamiyo madaxwayne Muuse Biixi Cabdi ayaa ku tilmaamay ciidamada deegaanka "argagixiso" wallow eedeyntaas ay qashinka ku dareen dadka degaanka.
Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, oo wajaheysa cadaadis dadweyne oo aad u weyn si ay u farageliso, ayaa Talaadadii ku baaqday "si deg deg ah loo joojiyo dagaalka."
Horraantii bishii hore, ugu yaraan 20 qof oo u badnaa dad rayid ah ayaa ku dhintay, 30 kalena way ku dhaawacmeen iska horimaad dhexmaray dad mudaharaadayey iyo ciidamada ammaanka Somaliland.
Magaalada ayaa waxaa ku muransan Somaliland iyo Maamul-goboleedka Puntland, iyadoo dadka deriska ah ay dhowr jeer ku dagaalameen deegaankaas.
Puntland ayaa iska-fogeysay in ay ku lug-leedahay dagaalka Laascaanood. Taas badalkeeda, waxay ku waanisay Somaliland in ay "ixtiraamto rabitaanka shacabka" iyo "in ay joojisay argagixiso ku shaabateynta dadkan".
GAROWE ONLINE