Dhismaha qunsulyada Jarmalka ee Kyiv oo lagu burburiyey duqeyn
BARLIN, Germany - Dhismaha qunsuliyadda Jarmalku ku leeyahay Kyiv ayaa waxaa haleelay gantaal uu soo riday Ruushka, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganaysa wasaaradda arrimaha dibadda ee Jarmalka.
Ma cadda in qof uu ku dhintay ama uu ku dhaawacmay weerarka. Magaala madaxda Kyiv ayaa saaka waxaa ay ku waabariisatay tiro sawaariiq ah oo la rumeysan yahay in ay ka yimaadeen Ruushka.
Dhismahan ayaa ahaa mid uusan isticmaalin Jarmalka tan iyo markii uu dagaalku qarxay, sida ay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaas ku xaqiijisay barteeda Twitter-ka.
"Kuwa ka shaqeeya safaaradda Jarmalku ku leeyahay magaalada caasimadda u ah Ukraine ayaan waxba soo gaarin," ayaa la raaciyey war-saxaafadeed kooban oo kasoo baxay wasaaradda.
Booliska qaranka Ukraine ayaa sheegay in la og yahay in 10 qof ay ku dhinteen ku dhawaad 60 kalena ay ku dhaawacmeen duqeymaha uu Ruushka saaka ka geystay faras-magaalaha Kyiv.
Madaxwayne Putin ayaa qiil uga dhigay weeraradan in ay jawaab u yihiin wax uu ku sheegay "falal argagixiso" oo Ukraine ay la beegsatay dhulka Ruushka bilooyinkii lasoo dhaafay.
Sidda uu baahiyey telefishinka ku hadla afka dowladda, Putin oo Isniinta maanta ah guddoomiyey shirka golaha ammaanka ayaa sheegay in ay "sii socon doonan weeraradda looga jawaabayo falalkaas argagixiso". Kyiv ayaan wali ka hadlin arrintan.
GAROWE ONLINE