Dowladda Federaalka oo loo fasaxay iibsiga gantaalo
WASHINGTON, USA - Dowladda Soomaaliya oo ololihii ugu balaarnaa ebed u gashay sidii loo qaadi lahaa cunaqabataynta hubka ayaysan usoo bixin natiijadii la filayay kadib Golaha Ammaanka ay u codeeyeen in Soomaaliya lagu sii hayo cunaqabataynta hubka, hase yeeshee waxaa jira meelo muhiim ah oo horumar laga sameeyay.
Inkasta oo la kordhiyay waqtiga cunaqabanataynta, haddane Qaraarka Golaha Ammaanka waxa oo ay u codeeyeen 11 dal, 4 dalna ka aamuseen ayaa waxaa dowladda loo ogolaaday in ay lasoo degto gantaalada liishaanka dheer, hoobiyeyaasha awoodoodu sareyso, hubka lidka taangiyada, gaadiidka badda iyo cirka, iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.
Waxaase ku xiran shuruud ah in guddiga kormeerka cunaqabataynta ay ogolaadaan iyo in kale muddo shan maalmood ah marka ay helaan codsiga dowladda ee soo iibshada hubkani.
Sida uu sheegay James Kariuki oo ah ku xigeenka Egyega Britain ee Qaramada Midoobay, isbadelkan dhanka hubka loo ogolyahay Soomaaliya ayaa la sameeyay kadib markii qiimeyn lagu sameeyay horumarka dowladda ka samaysay hawlgalada ka dhanka ah Alshabaab.
Abuukar Cusmaan oo ah safiirka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ayaa qanacsanaan la’aan ka muujiyay in cunaqabataynta lagu kordhiyay Soomaaliya, wuxuuse bogaadiyay afarta dal ee aanan u codeynin qaraarka.
Dalalka u codeeyay cunaqabataynta in Soomaaliya lagu hayo waxaa ka mid ah Kenya iyo Imaaraatka oo dad badan ay filayeen in uu wanaagsanyahay xiriirka kala dhaxeeya dowladda madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
GAROWE ONLINE