Dowladda iyo Al-Shabaab oo iska fogeeyay wadahadal nabadeed
MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo dagaalameyaasha Al-Shabaab ayaa siyaabo kala duwan waxay u gaashaanka ugu dhufteen inuu yeelanayaan wadahadallo nabadeed.
Hadaladan ayaa yimid kadib markii Cabdulfataax Kasim Maxamuud, wasiir ku xigeenka difaaca ahna xildhibaan Golaha Shacabka uu sheegay in kooxda hubeysan ay dalbatay wadahadal ay la gasho dowladda.
Hase ahaatee, sarkaal sare oo ka tirsan maamulka madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii dambe si rasmi ah u beeniyay inuu codsi uga yimid xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida.
"Ma jirto wax codsi ah oo naga soo gaaray kooxda," ayuu La-taliyaha Amniga Qaranka Xuseen Sheekh Cali u sheegay Idaacadda VOA-da. "Wasiirku wuxuu sheegay in si khaldan loo soo xigtay".
Cali oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu ku nuux-nuux-saday in mowqifka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ee ku aadan mitidiinta Al-Shabaab uusan illaa haatan waxba iska bedelin.
"Siyaasaddeenna ku aaddan wada-hadallo aan la yeelano Al-Shabab waa sidii hore," ayuu yiri. "Kama xaajoonno iyaga koox ahaan. Si kastaba ha ahaatee, shaqsiyaadka doonaya in ay ka baxaan kooxda waxa loo mari doonaa nidaam dhamaystiran oo ay ku goostaan oo ay xaq ugu yeeshaan cafiska dawladda si rasmi ah".
Dhanka kale, Al-Shabaab ayaa beenisay inay jiraan wax wada hadal ah oo ay la galayaan dowladda Soomaaliya. Warbaahinta maleyshiyada ayaa hadalka wasiirka ku qeexday mid aan sal iyo raad toona lahayn.
"Waxaan xaqiijinayaa inaysan jirin wax wada hadal ah oo na dhexmari kara," ayuu sarkaal ka tirsan kooxda u sheegay website-ka. Sarkaalka ayaa la sheegay inuu ka tirsan yahay waaxda warbaahinta ee kooxda, balse magaciisa lama daabicin.
Dhinaca kale, madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Cabdullaahi Maxamed Nuur in uu noqdo La-Taliyaha Sare ee Madaxweynaha ee ka Hortagga iyo La dagaalanka Fikradaha Xagjirka ah ee Rabshadaha Wata.
Nuur oo ah mulkiilaha Elite Hotel ee saaran xeebta magaala madaxda Muqdisho ayaa xukuumaddii Ra'iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ka ahaa wasiirka amniga federaalka illaa laga qaadey bishii August, 2022.
GAROWE ONLINE