Dowladda Soomaaliya oo sheegatay dilka ku dhowaad 10 Al-Shabaab ah

Image
Afar maleeshiyo ayaa lagu dilay Cali Helle, halka shan kalena lagu dilay deegaanka Baraag Sheekh Caamir.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ugu yaraan sagaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu dilay weerar cirka ah oo ay fuliyeen ciidamada dowladda Soomaaliya oo garab ka helaya xulafada caalamiga ah oo ka dhacay gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud.

War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta ayaa lagu sheegay in duqeynta ay ka dhacday deegaanada Cali Helle iyo Baraag Sheekh Caamir. Afar maleeshiyo ayaa lagu dilay Cali Helle, halka shan kalena lagu dilay deegaanka Baraag Sheekh Caamir.

“Howlgalkii koowaad ee ciidanka ayaa lagu beegsaday gaari dagaal iyo gaari xamuul ah oo ay wateen kooxda, waxaana goobta lagu dilay 4-ka tirsan maleeshiyaadka mitidiinta. Howlgalka labaad ayaa lagu bartilmaameedsaday fariisin maleeshiyaadka ay ka sameysteen deegaanka Baraag Sheekh Caamir ee gobolka Galgaduud” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Si kastaba ha ahaatee, tani waxay imaanaysaa bil kaddib markii dowladda Soomaaliya oo taageero ka helaysa saaxiibo caalami ah iyo maleeshiyo beeleedyo deegaanka ah ay ku dileen illaa 80 ka tirsan Al-shabaab, tiro kalena ay ku dhaawaceen saddex howlgal oo ka dhacay gobollada Koonfurta iyo bartamaha dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wiil Soomaali labo jir ah oo dhintay isagoo qasab lagu tahriibinayo

Shilkan ayaa ka dhacay English Channel iyadda oo doontooda ay kusii jeeday Ingiriiska.

  • Wararka

    06-10-2024

  • 08:30AM

Jabuuti oo ka hadashay warar laga faafiyay Caafimaadka Geelle

Wasiirka Maaliyadda Jabuuti Ilyaas Muuse Dawaleh ayaa markii ugu horeysay wuxuu ka hadlay wararkan aadka u faafay.

  • Wararka

    29-09-2024

  • 01:21PM