Erdogan oo "faafreeb" lagu sameeyay kala hadlaya Elon Musk
ANKARA, Turkey - Madaxweynaha Turkiga ayaa maanta sheegay in laga yaabo in maamulkii cusub ee Twitter-ka uu kala hadlo faafreebka isaga ay ku sameeyeen madaxdii hore ee shirkadda.
"Waxaan si dhow ula soconaa arrimaha soo ifbaxay ee ku saabsan faragelintii maamulkii hore ee Twitter-ka ee siyaasadd," ayuu yiri Erdogan Khamiista maanta ah.
Hogaamiyaha Turkida oo sii hadlaya ayaa raaciyey hadalkiisa: "Laakiin, waxaan horay u sheegay in aanan aragti gaar ah oo wanaagsan ka lahayn baraha bulshada".
"Ma ahan in baraha bulshada in ay sabab u yihiin guushayada siyaasadda ama diblomaasiyadda," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Erdogan oo lagu eedeeyo caburinta mucaaradkiisa.
Hadalkan ayuu madaxwayne Recep Tayyip Erdogan u sheegay suxufiyiinta kadib markii uu la hadlay warbaahinta isaga oo jooga garoonka markii ka soo laabtay safar uu ku tagay dalka Turkmenistan.
GAROWE ONLINE