Ergay gaar ah oo loo magacaabay ka hortagga Islaam-naceybka

Image
Xafiiska Ra'iisul Wasaare Justin Trudeau ayaa ku dhawaaqay talaabadan oo si weyn loosoo dhaweeyay.

TORONTO, Canada - Dowladda Canada ayaa markii ugu horreeyay wakiil gaar ah u magacowdey ka hortagga Islaam nacaybka, sidda uu ku dhawaaqay Ra'iisul Wasaare Justin Trudeau.

Amira Elghawaby oo xilkan loo dhiibay waa saxafi hore iyo xubin firfircoon oo ka tirsan Shabakadda Ka-hortagga Nacaybka ee Kanada kuwaasoo loo aas-aasay ka hortagga Islaam-naceybka.

Elghawaby ayaa door weyn ka qaadatay abuurista Golaha Qaranka Muslimiinta Kanada (NCCM), oo ah ururka ugu weyn ee Muslimiinta dalkaas una taagan difaacida xuquuqda Muslimiinta.

Gabadhan ayaa waxay hogaamin doontaa dagaalka dowladda federaalka ah "ka dhanka ah Islaam naceybka, cunsuriyadda, takoorka jinsiyadeed, iyo diin la'aanta," ayuu yir xafiiska Trudeau.

"Gaar ahaan, waxay kala talin doontaa xukuumadda Trudeau siyaasadaha iyo sharciga ay keenayaan si looga hortago khatarta Islaam nacaybka," ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Magacaabistan ayaa ku soo beegantay sanadguuradii lixaad ee ka soo wareegtay markii la dilay lix qof oo Muslimiin ah iyaga oo ku cibaadaysanayay masaajid ku yaala magaalada Quebec.

Dalka Canada ayaa waxaa la aaminsan yahay in ay ku nool yihiin qiyaastii 1.8 milyan oo Muslimiin ah, waana mid kamid ah wadamada uu Islaamka joogitaanka ugu badan ku leeyahay gobolka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq gaarsiisay Xabsiga Dhexe iyo Naafada Qaranka

Sidoo kale, isla Maanta waxay Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ay Lacag Cadaan ah iyo Neef Geel ah.

  • Wararka

    03-03-2025

  • 11:39AM

Wiil Soomaali labo jir ah oo dhintay isagoo qasab lagu tahriibinayo

Shilkan ayaa ka dhacay English Channel iyadda oo doontooda ay kusii jeeday Ingiriiska.

  • Wararka

    06-10-2024

  • 08:30AM