Faa'iidada ay Soomaaliya ku kordhin karto Dalada Bariga Afrika

Image
Wararka ayaa sheegaya in ay u badan tahay in Soomaaliya la aqbali doono xubinimadeeda EAC.

NAIROBI, Kenya - Dalada Ganacsiga ee Bariga Afrika ee ay ku midoobeen 7-da dal ayaa shir uga socda dalka Burundi waxaa lagu lafo gurayaa warbixin guddi xaqiiqo raadin ah ay kasoo diyaariyeen Soomaaliya.

Xoghayaha Guud ee ururkani EAC, Peter Mathuki, ayaa shirka kaga dooday in kusoo biiritaanka Soomaaliya ee ururkani ay keeneyso faa’iido weyn maadaama Soomaaliya ay leedahay xeeb dheer oo ka tirsan Badweynta Hindiya, taas oo si toos ah ugu xiran Badda Cas ee ah marinka ganacsiga adduunka.

Mathuki ayaai intaas ku daray meesha ay ku taalo Soomaaliya joqoraafi ahaan ay ururkani u horseedi karto faa’iido aan xad lahayn oo ganacsi, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Shirka ayaa sidoo kale waxaa lagu falanqeynayaa xaaladaha siyaasadeed ee Soomaaliya, dhanka caddaalada iyo waliba xuquuqdana aadanaha iyo hay’adaha dowliga ah sida ay u xoogganyihiin.

Is-araggan oo heerkiisa uu yahay kan Golaha Wasiirada ah ayaa ah kan dajiya siyaasadaha ururka, madaxdana usoo gudbiya go’aanada kama dambeysta ah inta aanan la saxiixin.

Wararka ayaa sheegaya in ay u badan tahay in Soomaaliya la aqbali doono xubinimadeeda EAC. Talaabadan waxay sidoo kale guul diblumaasiyadeed u noqon kartaa maamulka madaxwayne Xasan Sheekh oo waqti geliyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wiil Soomaali labo jir ah oo dhintay isagoo qasab lagu tahriibinayo

Shilkan ayaa ka dhacay English Channel iyadda oo doontooda ay kusii jeeday Ingiriiska.

  • Wararka

    06-10-2024

  • 08:30AM

Jabuuti oo ka hadashay warar laga faafiyay Caafimaadka Geelle

Wasiirka Maaliyadda Jabuuti Ilyaas Muuse Dawaleh ayaa markii ugu horeysay wuxuu ka hadlay wararkan aadka u faafay.

  • Wararka

    29-09-2024

  • 01:21PM