Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo qalab muhiim ah ugu deeqday Isbitaalka Banaadir.

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Munaasabada hay'adu ku wareejinaysay sariiraha ayaa waxaa goob joog ka ahaa masuiliyiin katirsan Isbitaalla Banaadir, madax ka socotay wasaarada caafimaadka xukuumada Federaalka Soomaaliya iyo madaxda hay'ada Hormuud Salaam Foundation.

Gudoomiyaha Hay'ada Hormuud Salaam Foundation Cabdullaahi Nuur Cusmaan. ayaa sheegay in qalabkan ka kooban sariiraha dhalada ah ay keeneen isbitaalka iyaga oo ka jawaabaya codsi horay uga yimid maamulka isbitaalka isaga oo sheegay in qalabkan ay kasoo iibiyeen dalka Dibadiisa.

Agaasimaha Isbitaalka hooyada iyo dhalaanka ee banaadir Fartuun Shariif oo munaasabad ka hadashay ayaa sheegtay in Qalabka hay'ada Hormuud Salaam Foundation ay ugu deeqday isbitaalka wax weyn ay ka tari doonto baahidii ay u qabeen iyadoo uga mahad celisay Maamulka iyo shaqaalaha Hey’adda Hormuud Salaam Foundation.

Drs Ubah Farah Ahmed Agaasimaha waaxda caafimaadka qoyska ee wasarada cafimadka ayaa dhankeeda ka mahad celiyay qalabkaan ay hey’ada Hormuud Salaam Foundation keentay isbitaalka banaadir iyadoo sheegtay in ay tahay arin ku dayasho mudan.

Agaasimaha maamulka iyo maaliyada wasarada caafimadka Xukuumada Federaalka Soomaaliya Abdulahi Salaad Xusen ayaa ku amaanay kaalinta Hay'ada Hormuud Salaam Foundation ay ka qaadaneyso Hormarinta Isbitaalka.

Hay'ada Hormuud Salaam Foundation ayaa dhawaan lagu wadaa in isbitaalka banaadir ay geeyso matoor dab dhaliye ah kaasi oo hay'adu ay ka soo iibisay wadanka Dibadiisa, waxaana hay'ada horay warshad dhalisa Oksajiinta ay geesay isbitaalka xili dalka uu si daran kaga jiray Cudurka Covid-19 iyada oo qeybo ka mid ah isbitaalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq Gargaar ah siisay Dad danyar ah

Goobaha mashruuca taakulenta bisha Ramadan la gaarsiiyay waxaa kamid ah Dr Xabeen, Maamo Ugaaso, Isbitaalka Martiini iyo SWC.

  • Wararka

    08-03-2025

  • 12:28PM

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq gaarsiisay Xabsiga Dhexe iyo Naafada Qaranka

Sidoo kale, isla Maanta waxay Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ay Lacag Cadaan ah iyo Neef Geel ah.

  • Wararka

    03-03-2025

  • 11:39AM