Hindiya oo qaraxyadii Soobe u adeegsatay fariin ku wajahan dunida

Image
Xukuumadda New Delhi oo cambaareysay weerarkan argagixiso ayaa midnimo u muujisay ehelada marxuumiinta.

NEW DELHI, Hindiya - Dowladda Hindiya ayaa aduunka ugu baaqdey in ay Soomaaliya ka garab-siiyaan la dagaalanka argagixisadda kadib qaraxyadii ka dhacay isgoyska Soobe ee caasimada Muqdisho.

Weerarkaas oo ka dhacay nawaaxiga Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ayaa galaaftey nolosha in ka badan 120 ruux shacab ah waxanaa ku dhowaad 300 ruux kale.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaarada Arrimaha Dibada Hindiya ayaa lagu sheegay in ay si xooggan u cambaareynayaan falkan ayna murugada la qeybsanayaan dhibaneyaasha.

"Hindiya waxay si adag u cambaareysay weerarradii argagixisanimo ee ka dhacay Muqdisho 29-kii Oktoobar 2022 oo galaaftay nolosha dad badan oo aan waxba galabsan," ayaa lagu yiri bayaanka.

War-saxaafadeedka ayaa la raaciyey: "Waxaan tacsi tiiraanyo leh u direynaa qoysaska dhibanayaasha waxaanan caafimaad degdeg ah u rajeyneynaa kuwa ku dhaawacmay labadii qarax".

"Weerarkani waxa uu mar kale xasuusinayaa beesha caalamka in ay u midoobaan oo ay ka go’aansadaan la dagaalanka argigixisada nooc kasta oo ay tahay iyo astaantoodaba, maadaama ay weli tahay mid ka mid ah khataraha ugu daran ee nabadda iyo amniga caalamiga ah," ayaa lagu soo gabagabeeyay warka qoraalka ah.

Isgoyska Soobe ayaa astaan wuxuu u noqonayaa saameynta weerarada argagixiso ee Soomaaliya maadaama ay ka kala dhaceen falkii ugu dhimashada badnaa iyo mid kamid ah kuwii ugu geerida badnaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq Gargaar ah siisay Dad danyar ah

Goobaha mashruuca taakulenta bisha Ramadan la gaarsiiyay waxaa kamid ah Dr Xabeen, Maamo Ugaaso, Isbitaalka Martiini iyo SWC.

  • Wararka

    08-03-2025

  • 12:28PM

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq gaarsiisay Xabsiga Dhexe iyo Naafada Qaranka

Sidoo kale, isla Maanta waxay Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ay Lacag Cadaan ah iyo Neef Geel ah.

  • Wararka

    03-03-2025

  • 11:39AM