Hotelada Muqdisho oo laga sheegay "dad faafiya fikirka Al-Shabaab"

Image
Image
Image
Image
Image
Talaabadan ayaa lala xiriiriyey istaraatiijiyad cusub oo maleyshiyada u qaadey buunbuuninta dacaayadaha.

MUQDISHO, Soomaaliya - Al-Shabaab ayaa balaarisay ololaheeda faafinta dacaayadaha u gaarka ah xilli ay gobolada dalka uga socdaan dagaal ay iska kaashanayaan dowladda iyo shacabka, sidda uu sheegay sarkaal sare.

Sida laga soo xigtey Cabdiraxmaan Tuuryare, agaasimihii hore ee hay'adda sirdoonka qaranka, istaraatiijiyada cusub ee maleyshiyadda ayaa ku saabsan in ay goobaha dadka ku kulmaan u diray shaqsiyaad taabacsan.

Tuuryare oo u waramay madasha Garowe Online Twitter Space ayaa shaaca ka dhigay in fariinta ay sidaan shaqsiyaad ay tahay in ay dadka cabsi-geliyaan iyaga oo iska dhigaya rayid.

"Shabaab hoteeladda dad baa u yimaada oo dayaacadaha u faafiya. 'Nimankan laguma aado, labadii meel fadhisa ayagaa ku saddex ah' dad sidaas meelaha ka yiraahdo ayaa jira," ayuu ka dhawaajiyey.

Dhanka kale, Jeneraalka ayaa si xooggan wuxuu u taageeray ololaha lagu ciribtirayo ilaha ay dhaqaalaha ka hesho isaga oo sheegay in dowladda soo ssari doonto dhowaan go'aano adag oo qadiyadaas ku wajahan.

"Aniga shaqsi ahaan waxaan ku jiraa dadka aaminsan haddii dagaalka milariga ee Shabaab hadaan lala dhinac wadin gulufka dhanka dhaqalaha iyo fekerka in aan laga adkaan doonin," ayuu Jananka ku nuux-nuuxsadey.

Xukuuamdda ayaa horey waxay u qaadey talaabooyin ay kamid yihiin mamnuucida faafinta dayaacadaha Al-Shabaab iyo in ganacsatadda ay dhaqaale siiyaan iyada oo "ciqaab" ugu hanjbtey "cid kasta oo jabisa amarkan".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq Gargaar ah siisay Dad danyar ah

Goobaha mashruuca taakulenta bisha Ramadan la gaarsiiyay waxaa kamid ah Dr Xabeen, Maamo Ugaaso, Isbitaalka Martiini iyo SWC.

  • Wararka

    08-03-2025

  • 12:28PM

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq gaarsiisay Xabsiga Dhexe iyo Naafada Qaranka

Sidoo kale, isla Maanta waxay Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ay Lacag Cadaan ah iyo Neef Geel ah.

  • Wararka

    03-03-2025

  • 11:39AM