Iiraaniyiin ay afduub kasii deysay Al-Shabaab oo laga warbixiyey
TEHRAN, Iiraan - Muwaadiniin u dhashay Iiraan oo lagu haystay Soomaaliya ayaa lasii daayay kadib dadaalo iyo latashi ay sameysay wasaaradda arrimaha dibada dalkaas, sida laga soo xigtey Mehr News Agency.
Mehr News Agency oo kamid ah warbaahinta ku hadasha afka dowladda Iiraan ayaa warisay in shaqsiyaadkan oo tiradoodu tahay 14 Kalluumeysato ay u afduubnaayeen Al-Shabaab tan iyo 2014-kii.
Kalluumeysatadan oo fadhigoodu ahaa magaalada Chabahar ee koonfur bari Iran kuna taal badda Cumaan ayaa qorshuhu yahay in ay dib ugu laabtaan dalkooda saacadaha soo aadan, sidda ku cad warbixinta.
"Kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab ayaa ka qafaashay biyaha caalamiga ah ee u dhow Soomaaliya sanadkii 2014-kii," ayay raacisay warbixinta oo aan lagu soo xigan wax mas'uul ah.
Bishii hore November, 2022 ayay ahayd markii maamulka Galmudug uu shaaciyey in uu soo badbaadiyey 20 qof oo u kala dhashay Pakistan iyo Iran oo sheegay inay ahaayeen kalluumaysato laga qabtay xeebaha Soomaaliya.
Siciid Cismana Warsame oo ah xiriiriyaha booliiska badda ee Galmudug, kana mid ahaa saraakiisha sheegtay in ay soo badbaadiyeen dadkan ayaa tibaaxay in ajaaniibta ay kasoo kaxeeyeen meel u dhow degmada Hobyo.
KLabaatanka qof oo dhammaantood rag ah ayaa u sheegay mas’uuliyiinta amniga inay horey u qabteen Al-Shabaab kadibna ay soo daayeen. Dadkan ayaa laga qabtay inta u dhaxaysa Hobyo iyo Xaradheere.
Al-Shabaab ayaan wali wax war ah kasoo saarin dhacdadan. Afduubka ajaaniibta ayaa ku badan gudaha Soomaaliya. Waa mid kamid ah ilaha ay dhaqaalaha ka hesho xoogaga gacansaarka la leh shabakadda Al-Qaacida.
GAROWE ONLINE