Jubbaland : Xalka keliya ee Alshabaab looga adkaan karo waa hawlgal mideysan
KISMAYO, 3Sept (GO)-Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo ka hadlay dhacdadii dadka lagu xasuuqay ee gobolka Hiiraan ayaa soo jeediyay fikrad muddo dheerba la hadal hayay balse aanan waligeed la dhaqangalinin oo ah in hawlgal mideysan lagu qaado Alshabaab.
Wuxuu sheegay in aanan marnaba laga guuleysan karin Alshabaab illaa sidaasi laga yeelayo.
Alshabaab ayaa dhexdeeda isu gurmata marka hawlgal uu kaga furmo meel ka kid ah dalka, iyada oo dagaalamaasheeda dalka intiisa kale jooga isugu geysa meesha dagaalka kaga socdo.
Balse haddii jiho kasta dagaal looga furo, waxaa la aaminsanyahay in ay sahlantahay in lasoo afjaro, awoodoodana aad loo wiiqi karo.
GAROWE ONLINE