Kenya: Al-Shabaab waxay hadda ku jirtaa heerkii ugu liidatay
NAIROBI, Kenya - Laamaha amaanka dalka Kenya ayaa sare u qaaday ilaalinta xuduudaha si ay uga hortagaan in kooxda Al-Shabaab ee fadhigeedu yahay Soomaaliya ay ka talaabaan xuduudka "maadaama ciidamada Soomaaliya ay kordhiyeen weerarada ka dhanka ah xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida".
Wasiirka arrimaha gudaha Kindiki Kithure ayaa sheegay Isniintii in howlgallada ay hormuud ka yihiin hoggaamiyeyaasha bulshada degaanka oo taageero ka helaya dowladda Federaalka Soomaaliya "ay si weyn u wiiqeen awoodda kooxdan xagjirka ah".
Kithure oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu hoosta ka xariiqeen in ay kordhiyeen ilaalada xuduudaheena si ay uga hortagaan hubka sharci darrada ah, iyo maandooriyaha.
"Hay'adaha amniga waxay u feejigan yihiin inay hubiyaan in xagjiriintan aysan u soo gudbin dhulkeena si ay gabaad u helaan, hadda kooxdan argagaxisada ah waa kuwa ugu liita," ayuu yiri.
Laamaha ammaanka ayuu hoosta k xariiqeen ay horumar ka sameeyeen xog ururinta "ayna waqti xaadirkan dhowr tallaabo uga horreeyaan maleyshiyaadka argagixisada".
"Waxaan mar walba ka warqabnaa in argagixisadu ay u baahan yihiin kaliya hal nasasho oo nasiib leh si ay u dhaawacaan waddankeena oo ay noo geystaan xanuun. Mar walba waa in aan dharbaaxada uga horumarnaa," ayuu ku adkeystay.
Hay’adaha amniga ayuu tibaaxay ay fashiliyeen qorshayaal argagixisanimo ayna qabteen tobanaan lagu tuhunsan yahay inay argagixiso yihiin, isla markaana la burburiyay kayd aad u badan oo hub iyo walxaha qarxa ah oo uu sheegay inay dhibaato xun u geysan karaan muwaadiniinta "haddii aan laga hortagin".
GAROWE ONLINE