Kenya oo u aarguday Injineero lagu dilay xadka Soomaaliya

Image
Shaqsiyaadkan la khaarijiyey ayaa la aaminsan yahay in ay ka tirsan yihiin ururka Al-Shabaab.

NAIROBI, Kenya - Saraakiisha ammaanka ee Kenya ayaa sheegay inay gobolka Waqooyi Bari ay ku dileen 10-qof oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, toddobaad uun kaddib markii ay dableydu halkaas ku dileen afar Injineer oo ku sugnaa meel ku dhow goob laga fulinayey mashruuc horumarineed.

Mas'uuliyiin ayaa xusay in howlgalkan lagu bartilmaameedsaday fariisimo ay Al-Shabaab ku lahaayeen degmada Gaarisa ee dalka Kenya, halkaasi oo marar badan oo hore ay kooxda weeraro ka geystey.

"Howlgalku wuxuu dhacay subaxnimadii Arbacada, waxaana kooxdayada ammaanka ee hay'adaha kala duwan ay ku guuleysteen inay ka takhalusaan 10 dagaalyahan oo ku sugnaa Bon, qaybta Galamagala ee hoos yimaada Bura East," ayuu yiri Thomas Bett, guddoomiye ku xigeenka ismaamulka.

Bett oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu u sheegay wakaalada wararka ee Reuters in askarta ay soo heleen baasuukayaal iyo aaladaha qarxa intii uu socday howlgalka.

Waxa uu VOA u sheegay in laamaha ammaanku ay sare u qaadeen howlgallada ay ka wadaan magaalada Gaarisa, wuxuuna sheegay inay ka sifeyn doonaan deegaannada ay Al-Shabaab kaga sugan yihiin.

"Howlgalku waxa uu ahaa mid sirdoon ah, waxaana leenahay waan sii wadi doonaa howlgalka si looga sifeeyo canaasiirta Al-Shabaab, oo noqday kuwa halis ah," ayuu sii raaciyey Bett.

Dhacdadan ayaa ku soo beegantay toddobaad uun ka dib markii xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida ay afar Injineer ku dileen goob Shiinuhu ka dhisayo mashruuca gaadiidka ee Lapsset.

Bett wuxuu ku booriyay dadweynaha aaggaas inay macluumaadka siiyaan mas'uuliyiinta iyo ciidamadda ammaanka oo ay soo sheegaan wax kasta oo ay ka shakiyaan.

"Dowlad ahaan waxaan ka codsaneynaa shacabka inay nala wadaagaan xog kasta oo muhiim ah, dowladda ha ku kalsoonaadaan, dowladduna si kasta oo ay tahay ayay ku ilaalinaysaa," ayuu yiri.

Al-Shabaab ayaa gudaha Kenya dhaqdhaqaaqyo ka waday tan iyo sannadkii 2011-kii, markaasoo ay markii ugu horreysay ciidamadeeda ku biirisay howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya. Maleyshiyaadka argagixisadda ah  ayaa sanadkii 2015 waxay ku dileen ku dhawaad ​​150 qof jaamacada Garissa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq gaarsiisay Xabsiga Dhexe iyo Naafada Qaranka

Sidoo kale, isla Maanta waxay Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ay Lacag Cadaan ah iyo Neef Geel ah.

  • Wararka

    03-03-2025

  • 11:39AM

Wiil Soomaali labo jir ah oo dhintay isagoo qasab lagu tahriibinayo

Shilkan ayaa ka dhacay English Channel iyadda oo doontooda ay kusii jeeday Ingiriiska.

  • Wararka

    06-10-2024

  • 08:30AM