Kenya: Wiil iyo aabihiisa oo lagu khaarijiyey weerar jidgal ah

Image
Saraakiisha ammaanka waxay sheegeen in saddex qof oo kale oo rakaab ah ay ku dhaawacmeen weerarka.

NAIROBI, Kenya - Aabe iyo wiil uu dhalay ayaa la dilay subaxnimadii Axadda kadib markii rag looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen gaari marayay inta u dhaxeysa Jabibar iyo Bamboo ee Waqooyiga Mandheera, sidda ay booliisku sheegeen.

Labada qof ayaa watey gaari Landcruiser ah markii uu weerarku ka dhacay waddada Rhamo-Ceelwaar. Saraakiisha ammaanka waxay sheegeen in saddex qof oo kale oo rakaab ah ay ku dhaawacmeen weerarka.

Goobjoogayaal ay soo xigatay majaladda The Star ayaa tibaaxay in "kooxda burcadda ah ay rasaas ku fureen gaariga oo xowli ku socday kadib markii darawalka uu diiday inuu istaago".

Guddoomiyaha degmada Mandheera, Onesmus Kyatha, ayaa xaqiijiyay dhacdadan, wuxuuna carabaabay in gurmad loo diray deegaanka si ay uga daba tagaan kooxihii weerarka soo qaaday.

"Degaankan ayaa ku dhow xadka ay wadaagaan Kenya iyo Soomaaliya, waxaana ay la kulmaan weeraro joogto ah oo kaga imaanaya dhanka argagixisada," ayay warbixintu raacisay.

Weerarkan ugu dambeeyay ayaa kusoo beegmeysa xili maalmo ka hor ay dabley loo maleynayo Al-Shabaab ay qaateen gaari afar lugood ah oo uu lahaa mid kamid ah dadka deegaanka Mandheera.

Ceelwaaq ayaa sidoo kale waxay ku dhow dahay sohdinta ay wadaagaan Kenya iyo Soomaaliya, waxaana inta badan laga soo wariyaa in argagixisada ay weeraro ka geystaan.

Gobolka xuduudka ayaa waxaa ka dhacay weeraro isdaba joog ah oo uga imaanayay maleeshiyaadka oo xilliyada ay qaar gacan siiyan dadka deegaanka. Argagaxisada ayaa xiliyada qaar waxa ay ku xiraan wadooyinka ay isticmaalaan Hay’adaha amaanka oo ay weeraro ku qaadaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq Gargaar ah siisay Dad danyar ah

Goobaha mashruuca taakulenta bisha Ramadan la gaarsiiyay waxaa kamid ah Dr Xabeen, Maamo Ugaaso, Isbitaalka Martiini iyo SWC.

  • Wararka

    08-03-2025

  • 12:28PM

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq gaarsiisay Xabsiga Dhexe iyo Naafada Qaranka

Sidoo kale, isla Maanta waxay Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ay Lacag Cadaan ah iyo Neef Geel ah.

  • Wararka

    03-03-2025

  • 11:39AM