Laascaanood: Beesha Caalamka oo hadashay xili la jiray biyihii
GAROWE, Puntland - Afhayeenka Isimada SSC, Garaad Cabdisalaan Xasan Maxamed oo ay wehliyaan isimada SSC oo shir maanta ku qabtay Lascaanood, ayaa sheegay in magaalada "ay ku sugan tahay xaalad adag".
Garaad Cabdisalaan ayaa ku dhawaaqay in Somaliland ay magaalada ka jartay biyihii iyo korontadii isla markaana ay duqeysay isbitaalkii guud ee xarunta gobolka Sool.
Wuxuu sheegay in dunida ay u sheegayaan "in ay meydad badan cagaf ku aasteen isaga oo ugu baaqay dowlada federaalka Soomaaliya in arintaas caalamka loo sheego".
Isimada oo hadalkooda sii wata ayaa soo dhaweeyay go'aanka dowlada federaalka ah ee Soomaaliya iyaga oo codsaday in intaas ka badan looga sii dhawaado .
Goor sii horaysay oo maanta ah agaasimaha isbitaalka guud ee Laascaanood, Dr Axmed Maxamed Xasan ayaa Garowe Online u xaqiijiyay in isbitaalka uu ku dhacay madfac wallow uusan fahfaahin khasaaraha inta uu le'eg yahay.
Dhanka kale, war-saxaafadeed ay si wadajir ah usoo saareen Saaxiibada Beesha Caalamka ayaa lagu adkeeyay xaqiijinta xasiloonida iyo in laga fogaado wax kasta oo sii hruin kara colaadda.
"Waxaan ku baaqaynaa in si degdeg ah loo qaboojiyo colaadda, ilaalinta rayidka, gargaar bani'aadamnimo oo aan la carqaladayn iyo in xiisadaha lagu xalliyo si nabad ah iyadoo loo marayo wadahadal," ayay ku sheegeen bayaanka.
GAROWE ONLINE