Madaxa hay'adda CIA oo socdaal naadir ah ku tahay Libya
TRIPOLI, Libya - Madaxa hay’adda sirdoonka Maraykanka ee CIA William Burns ayaa safar naadir ah ku tagay Liibiya, isagoo magaalada Tripoli kula kulmay ra’iisul wasaare Abdulhamid Dbeibah, sida ay sheegtay dowladda.
Xukuumadda Midnimada Qaran ee Liibiya ayaa booqashadiisa ku shaacisay boggeeda Facebook Khamiistii, iyadoo soo bandhigtay sawirka Burns iyo Dbeibah oo wadajira.
"Intii uu socday kulanka, Burns wuxuu ku nuux-nuuxsaday baahida loo qabo horumarinta iskaashiga dhaqaalaha iyo amniga ee labada dal, isagoo tusaale u soo qaatay xasilloonida iyo kobaca ay Liibiya ku aragtay muddooyinkii u dambeeyay," ayaa lagu yiri bayaanka.
CIA-da, oo aan si joogto ah u shaacin booqashooyinkan oo kale, ayaa diiday inay ka hadasho. Tani waxaa loo arkay in ay ilaalineyso macluumaadka xasaasiga ah ee ku wareegsan safarka.
Liibiya waxaa ka jiray nabad yar tan iyo kacdoonkii 2011-kii, waddankuna wuxuu 2014-kii u kala qaybsamay kooxaha bariga iyo galbeedka ee dagaallamaya, ugu dambeyntii Haftar ayaa weerar aan la jecleysan ku qaaday Tripoli 2019-kii.
Dowladda Midnimada Qaran waxaa lagu soo dhisay hannaan ay Qaramada Midoobay taageertay sanadka 2021-ka, taasoo qeyb ka ah qorshaha nabadda, balse maamulkiisa waxaa caqabad ku ah kooxaha ka jira bariga.
Maraykanka ayaa horay u sheegay in uu ka walaacsan yahay doorka uu Ruushku ka ciyaarayo colaada Liibiya, waxaana laga cabsi qabaa in xasilooni darada sii socota ee xubnaha OPEC ay saameyn ku yeelato tamarta caalamka.
GAROWE ONLINE