Madaxda dalka oo loogu baaqay dhismaha Guddiga Difaaca Qaranka
MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxda dowladda federaalka ah waa in ay si degdeg u hirgeliyaan Guddiga Difaaca Qaranka maadaama dalka uu dagaal ku jiro, sidda uu soo jeediyey sarkaal sarre oo ka tirsan milatariga Soomaaliya.
Taliye ku xigeenkii hore ee milatariga Soomaaliya, Maxamed Cali Bariise oo u sheegay Garowe Online Twitter Space in dhismaha guddigan ay kaalin weyn ka qaadan karto dardargelinta howlgalada haatan soconaya.
Sida laga soo xigtey Bariise, guddigan ayaa wuxuu sahlayaa isku-xirka taliyeyaasha kala duwan ee ciidamadda xoogga ee ku kala sugan guud ahaan dalka iyo goobaha loo cayimay in uu gaaro "kacdoonka shacabka".
"Maadaama dalka uu dagaal ku jiro waxaa muhiim ah in la dhiso Guddiga Difaaca Qaranka; dagaalkana sidiisaba yareysi malahan natiijadiisuna waa hubanti la'aan," ayuu hoosta ka xariiqay.
Bariise ayaa sidoo kale wuxuu soo jeediyey in dagaalka lala dhinac wado diyaarinta qorshe looga gaashaamanayo cawaaqib ka imaan kara dagaalka maadamaa "loo baahan yahay qorshe la fuliyo marka uu dhamaado".
Shacabka ayuu cod dheer ku waydiistey in ay taageero buuxa u waydiiyaan ololahan ka soconaya qaar kamid ah gobolada dalka gaar ahaan gobolada Hiiraan, Baay iyo qaybo kamid ah Galgaduud.
Sida ay warisay warbaahinta dowladda, in ka badan 30 degaano oo ay ku jiraan degmooyin waaweyn ayaa Al-Shabaab looga xoreeyo howlgaladan waxaana looga dilay in ka badan 200 dagaalameyaal.
Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud oo wareysi siiyey telefishinka CNN ee fadhigiisu yahay dalka Mareykanka ayaa ku nuux-nuux-sadey in maamulkiisa uu halka sano soo aadan kusoo afjari doono Al-Shabaab.
Balanqaad kan lamid ah waxaa horey u sameeyay madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kaasoo ku guuldareystay shan sano uu xafiiska joogay in uu guul la taaban karo kasoo hooyo ololaha lagu dabar-goynayo argagixisadda.
GAROWE ONLINE