Madaxda Federaalka oo durba bilaabay fulinta ballamadii ay la galeen Xildhibaanada

Image
Madaxweynaha JFS ayaa durba bilaabay xil u magacaabista xubnaha baarlamaanka.

Muqdisho, Soomaaliya - Madaxweynaha JFS, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa xilal u magacaabay qaar ka mid ah xildhibaanada labada gole ka dib markii ay meelmariyeen cutubyada ugu horreeya ee dastuurka muranka ka taaganyahay.

Madaxweynaha ayaa Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Nuur jilley u magacaabay Ergeyga Gaarka ah ee Arrimaha Caafimaadka iyo Nafaqada. Cabdirashiid ayaa ah siyaasiyiinta aad ugu dhow Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Xildhibaanka ka tirsan Golaha Shacaka lagana soo doortay Dowlad-Goboleedka Jubbaland ayaa sidoo kale ka mid ahaa xidhibaanada hormuudka ka ahaa ololaha qabyo tirka dastuurka, kuwaas oo ballaan qaadyo u fidiyay madaxweynaha Dalka.

Dhanka kale, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo Ku-simaha Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa si wadajir ah u magacaabay guddiga saaxibtinimada Baarlamaanada Soomaaliya iyo Talyaaniga.

Guddiga ayaa ka kooban 8 xubnood oo kala ah, Xil. Maxamed Cali Xasan, Xil. Xuseen Maxamed Nuur, Xil. Aweys Xuseen Moalim, Xil. Cabdullahi Xasan Rooble, Xil. Cali Xasan Ibraahim, Xil. Maxamed Aadan Macallin, Sen. Leyla Ahmed Ismail, Sen. Xuseen Maxamed Dahir.

Wararka ayaa sheegaya in Magacaabistan ay bilow u tahay isku shaandheyn lagu sameynayo Golaha Wasiirada, xilalna loo magacaabayo xildhibaano qeyb ka qaatay ansixintii dastuurka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq Gargaar ah siisay Dad danyar ah

Goobaha mashruuca taakulenta bisha Ramadan la gaarsiiyay waxaa kamid ah Dr Xabeen, Maamo Ugaaso, Isbitaalka Martiini iyo SWC.

  • Wararka

    08-03-2025

  • 12:28PM

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq gaarsiisay Xabsiga Dhexe iyo Naafada Qaranka

Sidoo kale, isla Maanta waxay Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ay Lacag Cadaan ah iyo Neef Geel ah.

  • Wararka

    03-03-2025

  • 11:39AM