Madaxda sirdoonka Mareykanka iyo Ruushka oo kulmay
MOSCOW, Russia - Taliyayaasha sirdoonka Maraykanka iyo Ruushka ayaa si fool ka fool ah waxay ugu kulmeen si ay uga wadahadlaan hanjabaadaha Moscow ee la xiriira in ay hubka nukliyeerka ku adeegsan karto dagaalka ay ku qaadey Ukraine iyo maxaabiista Maraykanka ah ee uu Ruushku ku hayo "caddaalad darradda".
Wadahadallada u dhexeeya agaasimaha CIA William Burns iyo dhiggiisa Sergei Naryshkin ayaa ka dhacay caasimadda Turkiga ee Ankara Isniintii, sidda ay daabacdey warbaahinta.
Kremlin-ka ayaa sheegtay in wadahadallada ay u yimaaddeen "hal-abuur dhinaca Maraykanka ah". Waa kulankii ugu sarreeyay ee ay mas’uuliyiintu isugu yimaadaan tan iyo markii Ruushku uu gudaha u galay Ukraine.
Aqalka Cad ayaa sheegay in Mr Burns - oo ahaa safiirkii Mareykanka ee Ruushka intii u dhaxeysay 2005 ilaa 2008 kuna hadla afka Ruushka - uusan gorgortan ka gelin joojinta dagaalka.
Farriintiisu waxay ku saabsanayd "cawaaqibka ka dhalan kara adeegsiga hubka nukliyeerka ee Ruushka," iyo khatarta "kordhinta xasilloonida istiraatijiyadeed," ayuu Aqalka Cad ku yiri hadal uu soo saaray.
Bilihii la soo dhaafay, Maraykanku wuxuu si isdaba joog ah uga digay Moscow inay ku isticmaasho hubka nukliyeerka ah iyo taatikadiisa gudaha Ukraine, iyadoo ay jiraan tilmaamo ka yimid Kremlin-ka oo ah inay diyaar u tahay inay sidaas samayso.
Bishii Sebtembar, madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa ku eedeeyay reer galbeedka inay doonayaan inay burburiyaan Ruushka, isagoo ku nuuxnuuxsaday inuu isticmaali doono "dhammaan wax kasta oo la heli karo" si uu u difaaco dhulkiisa, taas oo loo arkay khatar qarsoon oo ah isticmaalka hubka halista ah ee nukliyeerka.
GAROWE ONLINE