Magaalo afar bil gudaheeda lagu laayey kun qof oo shacab ah

Image

DAMASCUS, Suuriya – Afar bil gudaheeda, in ka badan kun qof oo rayid ah ayaa lagu dilay gudaha iyo hareeraha Aaga milatariga ka caagan ee magaalada Idlib, waqooyi barri Suuriya, sida uu Arbacadii sheegay UN-ka.

Wakiilka sarre ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Xuquuqda Aadanaha, Michelle Bachelet, ayaa shaacisay in xafiiskeeda uu xaqiijiyey in 1,089 la laayey intii u dhaxeysay April 29 illlaa iyo August 29.

Bachelet oo tiiraanyo ka muujisay dhacdadan ayaa waxay daaha ka rogtay in 572 kamid ah shacabkaasi ay yihiin rag; 213 oo haween ah; 304 oo caruur ah.

Haweenaydan oo sii hadleysa ayaa waxay intaasi raacisay in duqeymaha cirka iyo dhulka oo ay geysanayaan xoogaga barataara taliska Bishaar iyo xulafadiisa ay mas’uul ka yihiin dhamaan khaarjinta.

Xarumo caafimaad oo tiradooda gaaraya 51 ayay hoosta ka xariiqday in 29-kii April ay ku burbureen weeraro lagu beegsaday.

"Looma baahna in aan carabkaku adkeeyo in sawiradan ay yihiin dhibaato ba'an, wax laga xishoodo iyo kuwa si qoto dheer looga naxo," ayay tiri, sida ay kasoo xigatay Wakaalada Wararka ee AP.

Bachelet ayaa intaa ku dartay inay ka codsaneyso dhinacyada ku lugta colaadaha iyo dowladaha awooda badan leh in ay saameyn ku yeeshan iska fogeynta khilaafaadka siyaasadeed ayna xaliyaan dhibaatada.

Turkiga iyo Ruushka ayaa bishii September ee sanadkii hore 2018-kii waxay isku waafaqeen in Idlib ay noqoto goob ka caagan xiisadaha, mamnuucna ka ah gulufyadda.

Sidda uu xeerinayo is-afgaradkaasi, kooxaha mucaaradka ee baaqiga ku ah degaanadaasi waxay kusii sugnaan doonan barahooda, halka Ruushka iyo Turkiga-na ay ka sameyn doonan howlgalo wadajir ah oo xasilin ah.

Sikastaba ha ahaatee, taliska Suuriya iyo xulufadiisa, ayaa lagu eedeynayaa in ay si weyn u baalmareen nuqulo kamid ah heshiiska xabad-joojinta, ayna weeraro saf-balaaran ka fulinayaan aaga ciidamada ka caagan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo baaq u dirtey hogaamiyeyaasha Soomaaliya

Codsiga Swan ayaa ku soo beegmaya iyadoo ay jiraan xiisado siyaasadeed iyo dhaqdhaqaaqyo iska soo horjeeda.

  • Wararka

    14-07-2024

  • 04:21PM

Qodobka ay isku-mari-waayeen Dowladda Soomaaliya iyo Itoobiya

Turkiga ayaa martigeliyay wareegii koowaad ee wadahalada Muqdisho iyo Ankara.

  • Wararka

    02-07-2024

  • 03:20AM