Mareykanka: Caro ka dhalatay sii deynta "jookarka kufsiga"

Image
"Dambiilaha ugu khatarta badan ee tacadiyada jinsiga" ayaa la sheegay in uu faroxumeeyay in ka badan sagaal gabdho iyo haween.

NEW YORK, United States - Nin lagu eedeeyay in uu kufsadey ugu yaraan sagaal gabdhood iyo haween sannadihii 1970-meeyadii iyo 80-meeyadii ayaa lagu wadaa in laga sii daayo xabsiga Oregon ee waqooyi-galbeed ee Mareykanka bartamaha Disembar.

Richard Gillmore, oo la xiray 1986-kii, ayaa loogu magacdaray "jookarka kufsiga" sababo ku aadan in uu dhibane kasta ku dulmiyey gurigeeda. Wuxuu qirtay inuu ku kufsaday sagaal gabdhood aagga Portland 1970-meeyadii iyo 80-meeyadii laakiin hal kiis oo kaliya ayaa lagu xukumay sababtoo ah sharciga Sannadkii 1987-kii, xeerbeegtida ayaa ku helay dambiga ah inuu kufsaday Tiffany Edens oo 13 jir ahayd, dhibbanihiisii ​​ugu dambeeyay ee la yaqaan, bishii Disembar 1986kii.

Guud ahaan, lama shaaciyo magacyadda dadka la faraxumeeyey ilaa ay si cad u soo baxaan mooyee.

Edens ayaa ka hadashay kufsiga waxayna dhawaan ku soo qortay baraha bulshada inay heshay fariin cod ah bishii Ogosto ee ka timid Adeegga Ogeysiinta iyo Macluumaadka Dhibbanaha ee gobolka iyadoo u sheegaysa siideyntiisa soo socota.

Garsooraha kiiska Edens ayaa Gillmore ku xukumay ugu yaraan 30 sano oo xarig ah iyo ugu badnaan 60 sano ah. Laakiin guddi sii-daynta sharafeedka ayaa xukunkiisa kala badh ka jaray sannadkii 1988-kii, sannad ka dib markii la xukumay.

Dhibbanayaashiisa kufsiga loo geystay ayaa ka carooday in Gillmore aan loo tixgelin dambiile tacadiyada jinsiga ugu khatarta badan, kaas oo u baahan doonta ogeysiin bulshada meel kasta oo uu ku nool yahay ama u guuro.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq Gargaar ah siisay Dad danyar ah

Goobaha mashruuca taakulenta bisha Ramadan la gaarsiiyay waxaa kamid ah Dr Xabeen, Maamo Ugaaso, Isbitaalka Martiini iyo SWC.

  • Wararka

    08-03-2025

  • 12:28PM

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq gaarsiisay Xabsiga Dhexe iyo Naafada Qaranka

Sidoo kale, isla Maanta waxay Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ay Lacag Cadaan ah iyo Neef Geel ah.

  • Wararka

    03-03-2025

  • 11:39AM