Mareykanka oo digniin u diray dowladdo ay ku jirto Soomaaliya
WASHINGTON, USA - Mareykanka ayaa madaxda Afrika wuxuu uga digay "xasilooni darada" ay Shiinaha iyo Ruushka kawadaan qaarada iyagoo gabaad ka dhiganaya balanqaadyada balaayiin doolar oo taageero ah.
Xoghayaha Difaaca Ameerika, Lloyd Austin, ayaa hadalkan ka sheegay munaasabada furitaanka shirka Mareykanka iyo Afrika halkaasoo ay joogeen hogaamiyeyaal uu ku jiro madaxwayne Xasan Sheekh.
Afartan iyo sagaal hoggaamiye oo Afrikaan ah ayaa u duulay Washington si ay uga qaybgalaan shir madaxeedkii ugu horreeyay ee qaaradda oo dhan ah oo ay la yeeshaan Mareykanka siddeed sano gudahood.
Madaxweyne Joe Biden ayaa waxa uu doonayo inuu isticmaalo diblomaasiyad shakhsi ah si uu dib ugu soo celiyo saameynta Mareykanka ee ku lahaa Afrika oo sanadihii dambe daciiftey.
Austin oo sii hadlaya ayaa carabka ku adkeeyay in Shiinaha uu "maalinta kasta sii ballaarinayo raadka iyo saameynta uu ku leeyahay Afrika" isla markaana uu adeegsanayo dhaqaale.
"Qaybta dhibka leh ee jirta ayaa ah inaysan had iyo jeer ahayn kuwa hufan marka la eego waxa ay sameynayaan taas oo abuurta dhibaatooyin ugu dambeyntii carqaladeyn doona, haddii aysan horayba u ahayn," ayuu xusay Austin.
Ruushka ayuu si gaar ah ugu eedeeyay in uu bilaabay iibinta hubka raqiis ah. "Waxaana uu ku daabulayaa calooshood u shaqeystayaal qaaradda oo dhan ah," ayuu hadalkiisa intaas raaciyay.
"Taasina sidoo kale waxay keenaysaa xasilooni darro," ayuu tibaaxay. Xukuumadaha Moscow iyo Beijing ayaa illaa haatan waxa aysan ka jawaabin eedeynta uga timid Washington.
Maamulka Biden ayaa ka taxadaraya inuu u soo bandhigo Afrika ikhtiyaar "annaga ama iyaga ah" iyagoo rumaysan in aysan waxba tarayn kharshka maalgelinta ballaaran ee Shiinaha ku daabulayo kaabayaasha qaaradda.
GAROWE ONLINE