Mareykanka oo ka warbixiyey wadahadal uu la galay Ruushka

Image
Hadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli Aqalka Cad uu horey meesha uga saaray wadaxaajoodyadan.

WASHINGTON, USA - Lataliyaha Amniga Qaranka Mareykanka Jake Sullivan ayaa xaqiijiyay in khadka isgaarsiinta ee u dhexeeya Washington iyo Moscow uu yahay mid furan inkastoo uu jiro dagaalka waddanka Ukraine.

Isagoo ka hadlayay New York, Mr Sullivan wuxuu sheegay inay "danta" Mareykanka ku jirto in la sii wado xiriirka Kremlin-ka. Laakiin waxa uu ku adkaystay in saraakiishu ay "indho cad ku haayaan cidda aanu la macaamileyno".

Hadalkan waxa ay ku soo aadayaa xilli Aqalka Cad uu diiday in uu beeniyo wararka sheegaya in Mr Sullivan uu hoggaaminayay wadahadallo uu Ruushka la yeelanayay si looga hortago xiisadda nukliyeerka ee Ukraine.

Wargeyska Wall Street Journal ayaa sheegay in Mr Sullivan uu dhowrkii bilood ee la soo dhaafay wadahadalo qarsoodi ah la yeeshay dhiggiisa Ruushka, xoghayaha golaha ammaanka Nikolai Patrushev, iyo kaaliyaha sare ee siyaasadda arrimaha dibadda ee Kremlin-ka Yuri Ushakov.

Saraakiil sarsare ayaa wargeyska u sheegay in raggan ay ka wada hadleen sidii looga hortagi lahaa khatarta nukliyeerka ee sii huraysa dagaalka Ukraine, balse ma aysan gelin wax wada xaajood ah oo ku saabsan sidii loo soo afjari lahaa colaadda.

Bishii la soo dhaafay, Mr Sullivan oo kamid ah ragga aadka ugu dhow madaxwayne Joe Biden wuxuu sheegay in adeegsiga hubka nukliyeerka uu “cawaaqib xun ku yeelan doono Ruushka”.

TV-ga Mareykanka ee NBC ayuu u sheegay in saraakiisha sarsare ay "dhameystireen" baaxadda jawaabta suurtagalka ah ee Mareykanka ay la yeelan karaan wadahadalo gaar ah oo ay la yeesheen saraakiisha Ruushka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq Gargaar ah siisay Dad danyar ah

Goobaha mashruuca taakulenta bisha Ramadan la gaarsiiyay waxaa kamid ah Dr Xabeen, Maamo Ugaaso, Isbitaalka Martiini iyo SWC.

  • Wararka

    08-03-2025

  • 12:28PM

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq gaarsiisay Xabsiga Dhexe iyo Naafada Qaranka

Sidoo kale, isla Maanta waxay Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ay Lacag Cadaan ah iyo Neef Geel ah.

  • Wararka

    03-03-2025

  • 11:39AM