Mareykanka oo ku dhawaaqay go'aan ka careysiiyay Yahuuda
WASHINGTON, USA - Mareykanka ayaa ku wargeliyay mas'uuliyiinta Israa’iil in ay bilaabayaan baaritaan u gaar ah oo ku saabsan dilka weriyaha Mareykanka u dhashay ee reer Falastiin, Shireen Abu Akleh, sidda ay sheegtay warbaahinta.
Isagoo soo xiganaya ilo-wareedyo, shabakadda wararka ee Axios ee fadhigeedu yahay Maraykanka ayaa sheegtay in waaxda caddaaladda ee Maraykanku ay wasaaradda caddaaladda ee Israa’iil ku wargelisay in FBI-du ay fureen baadhitaanka dhimashada Abu Akleh.
Abu Akleh, oo 51-jir ahayd, waxay ahayd Suxufiyad Falastiini-Maraykan ah, waxaana la dilay 11-kii May. Wasaaradda Caafimaadka Falastiin waxay sheegtay in madaxa laga toogtay.
Toogashadda oo aad loo cambaareeyay ayaa waxay dhacdey xilli ay ka warramaysay weerar ay ciidammada Israa’iil ku qaadeen magaalada Jenin ee daanta galbeed.
Wasiirka gaashaandhiga Israa’iil ee xilka ka sii degaya Benny Gantz waxa uu sheegay in go’aanka Maraykanka ee ah in baadhitaanka dhimashada Abu Akleh uu yahay khalad.
Dhanka kale, qoyska Abu Akleh ayaa soo dhaweeyay go'aanka Mareykanka iyagoo ku tilmaamay "tallaabo muhiim ah," iyagoo rajo ka muujiyay "baaritaan dhab ah oo madax-bannaan, lagu kalsoonaan karo oo dhamaystiran."
Dhowr wakaaladood oo hormuud ka ah warbaahinta sida Aljazeera, CNN, Associated Press, Washington Post, New York Times, ayaa sameeyay baaritaanno iyaga u gaar ah, kuwaas oo dhamaantood xusay in Abu Akleh lagu dilay rasaas Israel.
GAROWE ONLINE