Mareykanka oo shaaciyey in uu duqeyn ku dilay 15 Al-Shabaab ah

Image
Howlgaladan dhanka cirka ah ayaa ka dhacay degaan ka tirsan maamul goboleedka HirShabelle.

MUQDISHO, Soomaaliya - Mareykanka ayaa ka warbixiyay laba duqeyn oo cusub oo ka dhan ah dagaalamayaasha Al-Shabaab ee ku sugan dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee HirShabeelle.

War qoraal ah oo ka soo baxay taliska ciidamada Maraykanka ee Afrika ayaa lagu sheegay in laba weerar oo “is-difaac wadareed ah” oo ka dhan ah kooxda 14-kii iyo 17-kii Disembar ay fuliyeen ku dhow magaalo xeebeedka Cadale.

Duqeymaha ayaa ku yimid codsi ka yimid dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana lagu taageerayey ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, sidda ku xusan bayaanka.

"Weerarka koowaad ayaa ka dhacay meel 176 KM dhanka Waqooyi Bari kaga beegan magaalada Muqdisho, waxaana lagu dilay 7 dagaalyahan, halka weerarka labaadna uu ka dhacay meel qiyaastii 220 KM dhanka waqooyi bari kaga beegan magaalada Muqdisho, waxaana lagu dilay 8 ka tirsan Al-Shabaab," ayay AFRICOM ka shan-qarisay.

Qiimeynta ugu horraysa ee Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa ah in aysan jirin dad rayid ah oo ku dhaawacmay ama lagu dilay labada weerar, sida ay sheegtay AFRICOM.

"Taliska Mareykanka ee Afrika wuxuu sii wadi doonaa qiimeynta natiijada howlgalladan, wuxuuna bixin doonaa macluumaad dheeri ah sida ugu habboon," ayaa lagu caddeeyay qoraalka.

Bayaanka ayaa intaas ku daray: "Faahfaahin gaar ah oo ku saabsan cutubyada ku lugta leh iyo hantida la isticmaalay lama sii deyn doono si loo xaqiijiyo amniga howlgallada".

Dowladda Soomaaliya ayaa 15-kii bishan December sheegtay in howlgal ka dhan ah Al-Shabaab oo ka dhacay nawaaxiga Tuulooyinka Juhay iyo Guulane lagu khaarijiyey 88 Al-Shabaab ahaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq Gargaar ah siisay Dad danyar ah

Goobaha mashruuca taakulenta bisha Ramadan la gaarsiiyay waxaa kamid ah Dr Xabeen, Maamo Ugaaso, Isbitaalka Martiini iyo SWC.

  • Wararka

    08-03-2025

  • 12:28PM

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq gaarsiisay Xabsiga Dhexe iyo Naafada Qaranka

Sidoo kale, isla Maanta waxay Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ay Lacag Cadaan ah iyo Neef Geel ah.

  • Wararka

    03-03-2025

  • 11:39AM