Mareykanka oo sheegtay in uu duqeyn ku dilay 12 Al-Shabaab ah

Image
Taliska AFRICOM ayaa shaaciyey in howlgalkan uusan waxyeelo kasoo gaarin dad shacab ah.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamada Mareykanka ayaa sheegay in 10-kii bishan Febraayo ay Al-Shabaab kula dagaalameen bartamaha Soomaaliya, sida lagu sheegay war rasmi ah oo uu arkay Garowe Online.

Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa tibaaxay in howlgalkaas uu ahaa "weerar is-difaacid ah oo wadajir ah" uuna ka dhacay degaan fog oo 45km Koonfur Galbeed ka xiga magaaladda Hobyo ee Galmudug.

Sidda laga soo xigtey bayaanka, duqeyntaas dhanka cirka ah ayaa waxaa lagu khaarijiyey 12 maleeshiyo ah ka tirsanaa xoogaga gacansaarka la leh ururka argagixisadda ah ee Al-Qaacida.

"Talisku waxa uu qiimeeyay in aanay jirin dad rayid ah oo ku dhaawacmay ama lagu dilay howlgalka," ayaa la raaciyey warka qoraalka taasoo ka dhigan in aysan jirin waxyeelo soo gaartey shacab.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaan wali ka hadlin howlgalkan. Balse, xukuumadda Muqdisho ayaa warisay Sabtidii in boqolaa ka tirsanaa Al-Shabaab ay ku dishay howlgal ka dhacay degaanada Galmudug.

Bilihii lasoo dhaafay, ciidamada Mareykanka ayaa weeraro badan waxa ay ka fuliyeen gobolkaasi kuwaas oo lagu dilay tobanaan ka tirsan maleyshiyaadka Al-Shabaab.

Mareykanka ayaa bishii hore Soomaaliya ka fuliyay weerar lagu dilay ku dhawaad ​​30 dagaalyahan oo Al-Shabaab ah, sidda uu ku dhawaaqay taliska AFRICOM uu ku shaaciyey war-saxaafadeed.

Weerar uu Mareykanku qaaday bishii Oktoobar ayaa lagu dilay labo xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, halka weerar kale oo dhacay bishii November uu ku dilay 17 dagaalyahan.

Dabayaaqadii bishii Diseembar ayay ahayd markii Mareykanka uu duqeyn ku dilay lix ka tirsan Al-Shabaab meel u dhow magaalada Cadale. Dhamaan howlgaladan ayaa lagu taageerayay ciidamadda dowladda Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq gaarsiisay Xabsiga Dhexe iyo Naafada Qaranka

Sidoo kale, isla Maanta waxay Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ay Lacag Cadaan ah iyo Neef Geel ah.

  • Wararka

    03-03-2025

  • 11:39AM

Wiil Soomaali labo jir ah oo dhintay isagoo qasab lagu tahriibinayo

Shilkan ayaa ka dhacay English Channel iyadda oo doontooda ay kusii jeeday Ingiriiska.

  • Wararka

    06-10-2024

  • 08:30AM