Mareykanka: Shirkadda TikTok oo wajahaysa xayiraad horleh
WASHINGTON, USA - Maamulka gobolka Washington ee dalka Maraykanka ayaa qorsheynaya in qalabka dowladda laga mamnuuco aaladda TikTok sababo la xiriira walwal laga qabo xatooyada xogaha xasaasiga ah ee dowladda iyo xogta gaarka ah ee dadka.
Washington oo ah gobolka ugu muhiimsan Maraykanka, fadhina u ah dowladda federaalka ayaa waxaa xukuma xisbiga Dimuquraadiga, wuxuuna ku biirayaa 19 gobol oo kale oo horey u mamnuucay ama qeyb ahaan xayiraad kusoo rogey TikTok.
TikTok ayaa waxaa leh shirkadda ByteDance ee fadhigeedu yahay Beijin, waxaana muddo dheer walaac laga qabay in dowladda Shiinaha ay aaladani u adeegsato in ay ku basaasto dalalka kale ama ku xaddo xogta xasaasiga ah ee dadka iyo dowladaha kale.
Email loo direy dhammaan xoghayeyaasha warfaafinta heerka goboleed ee 50 maamul ayaa lagu sheegay in ay tahay in la mamnuuco TikTok, iyada oo ninka lagu magacaabo Steven Fox oo ah xogahayaha warfaafinta Washington uu sheegay in gobolkiisa uu ka fikirayo mamnuucista aaladan.
Madaxweyne Joe Biden ayaa horaan usoo saaray digreeto uu ku amrayo in laamaha ku shaqada leh ee dowladda ay soo saaraan hab-raac lagu hubin karo adeegyada internetka ee dalalka kale ay soo saaraan si loo xaqiijiyo badqabka danaha Maraykanka.
Afhayeen u hadlay TikTok oo lagu magacaabo Jamal Brown ayaa sheegay in ay tahay wax laga xumaado talaada la qaaday, isaga oo sheegay in TikTok ay ku tiirsanyihiin malaayiin ganacsato yaryar oo Maraykan ah kuwaas oo adeegyada ku gaarsiiya macaamiisha.
GAROWE ONLINE