Mareykanka: Soomaaliya waxaa ka jira colaado "daba-dheeraadey"

Image
Xukuumadda Washington ayaa joogitaan ku meelgaar ah siisey 430 qof oo Soomaali ah.

WASHINGTON, USA - Wasiirka Amniga Gudaha Maraykanka ayaa ku Khamiistii shaaca ka dhigay in dadka Soomaalida ah ee aan sharciga ku lahayn Maraykanka ay sii joogi karaan 18 bilood oo dheeraad ah.

Alejandro Mayorkas ayaa ka dhawaajiyey in talaabadan ay dhaqan-galayso laga bilaabo bisha Maarso 18, 2023 ayna ku egtahay bisha September 17-keeda ee sannadka soo socda ee 2024.

Mayorkas ayaa carabka waxa uu ku dhuftey in ay Soomaaliya u aqoonsadeen "dal ay ka jiraan colaado daba-dheeraadey iyo musiibooyin bini'aadanimo oo aysan dadkan ku laaban karin".

"Colaadaha daba dheeraaday, oo ay weheliyaan masiibooyinka dabiiciga ah iyo cudurro dillaacay, ayaa uga sii daray dhibaato bini'aadantinimo oo ba'an," ayuu wasiirka ku yiri bayaan uu soo saarey.

Wuxuu hadalkiisa raaciyey: "Soomaaliya wali waxaa ka jirta saameynta argagixisanimada, dambiyada rabshadaha wata, kacdoonka shacabka, iyo dagaallada u dhaxeeya maleeshiyo beeleedyada".

Tallaabadan ay u oggolaanayso ku dhawaad 430 qof oo Soomaali ah inay ay ka badbaadin musaafurin ayna sii joogaan Maraykanka tan iyo Sebtembar 17, 2024 balse waxaa jira shuruudo horleh.

Shuruudahan oo dhinaca sharcigan ah ayaa waxaa la filayaa in dhawaan ay shaaca ka dhigto dowladda Federaalka Mareykanka, isla markaana ay sharraxaad dheeraad ah ka bixin doonto si dadka u buuxiyaan.

Barnaamij joogitaanka ku meelgaarka ah ayaa la hirgeliyey 1990-kii waxaana loogu talagalay in qaxootiga ay Mareykanka ka shaqeystaan illaa amar dambe hase ahaatee waa dhif in ay helaan dib-u-dejin rasmi ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq Gargaar ah siisay Dad danyar ah

Goobaha mashruuca taakulenta bisha Ramadan la gaarsiiyay waxaa kamid ah Dr Xabeen, Maamo Ugaaso, Isbitaalka Martiini iyo SWC.

  • Wararka

    08-03-2025

  • 12:28PM

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq gaarsiisay Xabsiga Dhexe iyo Naafada Qaranka

Sidoo kale, isla Maanta waxay Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ay Lacag Cadaan ah iyo Neef Geel ah.

  • Wararka

    03-03-2025

  • 11:39AM