Masar oo sharaxaad ka bixisay danaha ay ka leedahay Soomaaliya
QAAHIRA, Masar - Wasiirka arrimaha dibadda Masar, Sameh Shokry, ayaa sheegay in dalkiisa uu aad u daneynayo ammaanka iyo xasiloonida Soomaaliya sababo ku aadan "goobta istaraatiijiga ah ee ay ku taallo".
Hadalkan ayuu sheegay Shokry kadib markii uu magaala madaxda Qaahira uu kula kulmay dhigiisa Soomaaliya, Abshir Cumar Jaamac, kaasoo kamid ah wafdi uu horkacayo Ra'iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.
Shokry ayaa sidoo kale waxa uu hoosta ka xariiqay in ay taageerayaan dedaalada Soomaaliya looga xoreynayo dagaalameyaasha Al-Shabaab gaar ahaan howlgalada ay iska kaashanayaan ciidanka iyo shacabka.
"Wasiirka Masar ayaa tilmaamay in Masar ay aad u daneyneyso ammaanka iyo xasiloonida Soomaaliya, iyadoo la eegayo halka ay ku taallo oo ah istaraatiijiyada badda cas iyo gacanka cadmeed, sida lagu sheegay war saxaafadeedka," ayay Egypt Today warisay.
Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo shalay galab la kulmay dhigiisa Mostafa Madbouly ayaa kawada hadlay kor u qaadista xiriirka iyo xoojinta iskaashiga dhaqan dhaqaale ee u dhaxeeya labada dal.
"Kulanka kadib ayaa labada dowladood ee Soomaaliya iyo Masar waxay si rasmi ah u kala saxiixdeen heshiisyo ku saabsan waxbarashada, warfaafinta, diinta iyo awqaafta iyo dhaqanka," ayuu yiri xafiiska Xamse.
Bayaanka waxaa la raaciyey: "Heshiisyada waxaa dhinaca Soomaaliya u saxiixay Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga, Abshir Cumar Huruse, Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Faarax Sheekh Cabdulqaadir iyo Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Daud Aweys Jaamac".
Masar iyo Soomaaliya ayaa aad isugu soo dhawaaday kadib doorashadii madaxwayne Xasan Sheekh ee 15-kii May, 2022. Cilaaqaadka Muqdisho iyo Qaahira waxa uu ka careysiiyey Addis Ababa oo ay Masaaridu is-haayaan.
GAROWE ONLINE