Milatariga oo "dib uga gurtey" Aadan Yabaal cabsi qaraxyo awgeed

Image
Dadkii ku sugnaa degmadda ayaa lagu waramay in ay gabi ahaanba isaga qaxeen magaaladdan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Milatariga Soomaaliya ayaa "dib-uga-gurtey" degmadda Aadan Yabaal cabsi laga qabo miinooyin aawadeed, sidda ay VOA-da kasoo xigatay taliye ka tirsan ciidamadda.

Gaashaanle Bashiir Mukhtaar Axmed ayaa xaqiijiyey in ciidanku uu dufeysyo ka sameysatay daafaha magaaladda "si ay uga hortagaan suurtagalnimadda weeraro iyo qaraxyo".

"Markan gudaa degmada galnay shalay waxaan ka waynay dhamaan dadkii shacabka ahaa. Balse, qaarkood ayaan kula kulanay duleedka degamdda," ayuu hadalkiisu sii raaciyey.

Talaabadan ayaa la rumeysan yahay in ay qeyb ka tahay xeelad dagaal oo xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida u sameeyeen si aysan ciidamaddu gabi ahaanba u sheegan la wareegida degmadda.

Ciidamadda oo garab-sanaya dadka degaanka ayaa xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida kula dagaalamay duleedka Aadan Yabaal saddex casho kahor. Wali lama ogga khasaaraha iska-hor-imaadkaas.

Saraakiisha ayaa sheegay in dagaalameyaasha hubeysan ay "ka hayaameen" degmadda kadib markii "ay iska caabin waayeen boqolaalka ciidamadda iyo dadka degaanka ee kadiyey".

"Labadii maalmood ee lasoo dhaafay, waxaa gudaha degmadda ka socdey miino baaris iyo hubin si looga hortago khatar amni oo ka dhalan karta haddii taxadar la'aan la galo," ayay xuseen.

Lama ogga haddii ciidamadda hantey Aadan Yabaal ay baaqi kusii ahaan doonan maadaama horey looga bartey askarta Soomaaliya in ay dib uga soo baxaan goobaha ay gacanta ku dhigaan.

Al-Shabaab ayaa lagu waramay in ay Aadan Yabaal u ahayd fariisinka ugu weyn ee ay ku lahayd gobolka Shabeellaha Dhexe. Sidoo kale, waa degmadii ugu dambeysay ee ay ka haysteen gobolka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq Gargaar ah siisay Dad danyar ah

Goobaha mashruuca taakulenta bisha Ramadan la gaarsiiyay waxaa kamid ah Dr Xabeen, Maamo Ugaaso, Isbitaalka Martiini iyo SWC.

  • Wararka

    08-03-2025

  • 12:28PM

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq gaarsiisay Xabsiga Dhexe iyo Naafada Qaranka

Sidoo kale, isla Maanta waxay Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ay Lacag Cadaan ah iyo Neef Geel ah.

  • Wararka

    03-03-2025

  • 11:39AM