Mucaaradka Turkiga oo ka dhiidhiyey xariga ganacsade Soomaali ah
ANKARA, Turkey - Mohamed Isse Abdullah, oo ah milkiile maqaaxi Soomaali ah oo ku nool magaalada Ankara, ayaa Talaadadii la xiray si loo musaafuriyo, inkastoo uu si sharci ah u degan yahay Turkiga, sida ay sheegtay warbaahinta Turkiga.
Abdullah waxa uu hadda ku xidhan yahay xarunta dib u celinta halka qareenadiisu ay racfaan ka qaateen go'aanka masaafurinta maxkamada dastuuriga ah.
Sida ay sheegeen qareenadiisu, haddii dib loo celiyo Abdullah oo kiiskiisa ay si weyn ugu kaceen siyaasiyiinta mucaaradka wuxuu wajihi doonaa "xaalad khatar ah ama lagu dili karaa gudaha Soomaaliya".
Xildhibaanka Xisbiga Dimuqraadiga Shacabka (HDP) Ömer Faruk Gergerlioğlu ayaa ku booriyay mas'uuliyiinta inay xabsiga ka sii daayaan Abdullah, isagoo ku nuux-nuuxsaday in masaafurinta ay halis u tahay naftiisa.
Booliisku waxay xidheen maqaaxida Abdullah waxayna soo jiidayeen astaantii mehradda. Abdullah ayaa cadaadis kala kulmayay booliiska deegaanka si uu u xiro maqaayadiisa sanadkii lasoo dhaafay.
Siyaasiyiinta mucaaradka Turkiga ayaa ku booqday maqaaxidiisa si ay u muujiyaan isku duubni iyo taageero. Tani kama aysan joojin saraakiisha ammaanka in ay xabsi u taxaabaan.
Mustafa Yeneroğlu, oo ah ku xigeenka xisbiga Dimuqraadiyadda iyo Horumarka (DEVA), ayaa sawir uu la galay Abdullah soo dhigay barta Twitter-ka bishii May, wuxuuna sheegay in cadaadiska uu kala kulmayo booliska ay tahay “wax laga xishoodo”.
Qoraal hore oo uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu Abdullah kaga codsaday madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan inuu caawiyo. Si kastaba ha ahaatee, boggiisa Twitter-ka waa la tirtiray.
Soomaalida ayaa sanadihii lasoo dhaafay si weyn ugu qulquleysay dalka Turkiga. Qaarkood waxay u tagaan waxbarasho, halka qaar kale oo badan ay ka doontaan fursad ay uga sii talaabi karaan wadamadda kale ee qaaradda Yurub sidda Jarmalka.
GAROWE ONLINE