Mustafa Cagjar oo boggaadiyay kacdoonka Macawiisleyda

Image
Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa wareysi uu bixiyay uga hadlay qadiyaddan.

JIGJIGA, Soomaali Galbeed - Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya Mustafa Cagjar oo wareysi bixiyay isaga oo ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasi oo uu booqasho ku joogo ayaa ka hadlay kacdoonka shacabka ay kaga soo horjeedaan dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Cagjar ayaa boggaadiyay macawuusleyda gobolka Hiiraan oo uu sheegay in ay guulo la taaban karo ka gaareen dagaalka lagula jiro Alshabaab, tahayna sifada ugu habboon hadda ee lagu soo afjeri karo Alshabaab.

Mustafa ayaa la rumeysanyahay in uu kaalin taageero ku leeyahay dagaalka ka socda Hiiraan kadib markii ay arrintaasi ka wada hadleen.

Ra'iisul Wasaare Xamse oo sheegay in safarkii uu ku tagay Jig Jiga uu maamulka kala soo hadlay sidii ay gacan uga geysan lahaayeen dagaalka Hiiraan.

Hadalka Cagjar ayaa ah saansaantii ugu horeysay oo muujinaysa in dagaalka Alshabaab ee gudaha Soomaaliya, gaar ahaan kan ay shacabka hormuudka ka yihiin uu helayo taageero ka taloowsan xuduudaha dowladeed ee Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq Gargaar ah siisay Dad danyar ah

Goobaha mashruuca taakulenta bisha Ramadan la gaarsiiyay waxaa kamid ah Dr Xabeen, Maamo Ugaaso, Isbitaalka Martiini iyo SWC.

  • Wararka

    08-03-2025

  • 12:28PM

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq gaarsiisay Xabsiga Dhexe iyo Naafada Qaranka

Sidoo kale, isla Maanta waxay Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ay Lacag Cadaan ah iyo Neef Geel ah.

  • Wararka

    03-03-2025

  • 11:39AM