Nin 18-sano ku dhex-noolaa garoon diyaaradeed oo geeriyoodey

Image
Sheekada Mehran Karimi Nasseri ayaa laga alifay filimka caanka ah ee The Terminal ee uu jilay Tom Hanks.

PARIS, Faransiiska - Nin u dhashay dalka Iran kaasoo 18 sano ku noolaa gudaha garoonka diyaaradaha ee magaalo madaxda Faransiiska ee Paris ayaa geeriyooday, sidda ay warisay saxaafadda waddankaas.

Mehran Karimi Nasseri oo dhibane u ah is-qabqabsi siyaasadeed ayaa wuxuu hoy ka dhigay aag yar oo ka mid ah madaarka Roissy Charles de Gaulle sanadka markii uu ahaa 1988-kii.

Waaya-aragnimadiisa ayaa waxay dhiirigelisay filim soo baxay sanadka markii uu ahaa 2004 kaasoo loogu magadaray The Terminal uuna jilaa ka ahaa atooraha caanka ah ee Tom Hanks.

Mr Nasseri ayaa ugu dambeyntii la siiyay xuquuq uu ku noolaado Faransiiska, laakiin wuxuu ku soo laabtay garoonka dhowr toddobaad ka hor, halkaas oo uu ugu dhintay sababo dabiici ah, sida uu sarkaal ka tirsan garoonka u sheegay AFP.

Sanadkii 1945-kii ku dhashay gobolka Khuzestan ee dalka Iran, waxaana uu markii ugu horeysay u duulay Yurub si uu u raadiyo hooyadiis, sidda ay ku warantay warbaahinta.

Muddo sanado ah ayuu ku noolaa dalka Belgium, isagoo laga soo eryay wadamo ay ka mid yihiin UK, Netherlands iyo Germany, sababo la xiriira inuusan wadan warqadaha socdaalka ee saxda ah. Ka dib waxa uu aaday Faransiiska.

Inkastoo sanadkii 1999 la siiyay sharci qaxootinimo iyo in uu ku sii sugnaado Faransiiska, wuxuu garoonka ku sugnaa ilaa 2006, markaasoo loo qaaday isbitaal si looga daweeyo xanuun.

Kadib waxa uu wakhti ku qaatay in uu ku noolaado hotel uu ku isticmaalay lacagtii uu filimkan ku helay, sida uu sheegay wargeyska Faransiiska ee Libération. Waxaa meeshii uu ku noolaa laga lagu helay dhowr kun Yuuro.

Waxyaabaha layaabka leh ee laga qorayw axaa kamid ah in inta badan noloshiisa uu ku qaatay qorida buggaag xasuus qor ah isaga oo wax ka alifi jiray wargeysyo iyo bugaag kale oo uu ku haysta halkii uu daganaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq Gargaar ah siisay Dad danyar ah

Goobaha mashruuca taakulenta bisha Ramadan la gaarsiiyay waxaa kamid ah Dr Xabeen, Maamo Ugaaso, Isbitaalka Martiini iyo SWC.

  • Wararka

    08-03-2025

  • 12:28PM

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq gaarsiisay Xabsiga Dhexe iyo Naafada Qaranka

Sidoo kale, isla Maanta waxay Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ay Lacag Cadaan ah iyo Neef Geel ah.

  • Wararka

    03-03-2025

  • 11:39AM