Nin iyo soddoggiisa oo lagu helay dambi shirqool afduub ah

Image
Falkan dhacay sanadkii 2020 ayaa soo jiitay indhaha caalamka wuxuuna soo cusbooneysiiyey walaaca kooxaha midigta fog.

WASHINGTON, US - Xeerbeegtida gobolka Michigan ee dalka Mareykanka ayaa saddex nin ku xukuntay shirqool lagu af-duubtay barasaabka Dimuqraadiga Gretchen Whitmer sanadkii 2020.

Falkan ayaa soo soo jiitay indhaha qaranka, iyadoo uu kordhiyey cabsida laga qabo rabshadaha siyaasadeed iyo khataraha dimuqraadiyadda ay ku soo bateen Mareykanka.

Joe Morrison, soddoggiis Pete Musico iyo Paul Bellar ayaa Arbacadii lagu helay dambi ah inay ka tirsan yihiin kooxaha gaangiska, ku xad-gudbida hubka iyo bixinta taageerada agabka "argagixisada".

Sidoo kale, waxaa ku cadaatay in ay xubin ka yihiin  koox dabley ah. Dambigan waxa ay muteysan karaan xabsi gaaraya 20 sano

Shirqoolkan la sheegay in ay qorsheeyeen koox loo yaqaan "Wolverine Watch" ayaa noqdey walaaca khatarta sii kordheysa ee ururada midigta fog ee Maraykanka.

Musico, Bellar, iyo Morrison waxay ka mid ahaayeen in ka badan 12 qof oo loo xiray qorshaha lagu afduubayo Whitmer. Dadkaas waxay ka caroodeen tillaabooyinka caafimaadka bulshada ee lagula dagaallamayo fiditaanka COVID-19, kaasoo ay dacwad oogayaasha sheegeen inuu noqday faa'iido xubno cusub ku yeleen kooxaha midigta fog.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq Gargaar ah siisay Dad danyar ah

Goobaha mashruuca taakulenta bisha Ramadan la gaarsiiyay waxaa kamid ah Dr Xabeen, Maamo Ugaaso, Isbitaalka Martiini iyo SWC.

  • Wararka

    08-03-2025

  • 12:28PM

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq gaarsiisay Xabsiga Dhexe iyo Naafada Qaranka

Sidoo kale, isla Maanta waxay Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ay Lacag Cadaan ah iyo Neef Geel ah.

  • Wararka

    03-03-2025

  • 11:39AM