Nin loo haysto dilka wiil Soomaali ah oo gacanta lagu dhigay

Image
Eedeysanaha ayaa wajahaya su'aallo waydiin. Ciidanka ayaa la wareegay guri lala xiriiriyey dambigan.

DUBLIN, Ireland - Laamaha ammaanka Jamhuuriyadda Ireland ayaa xabsi u taxaabay nin 50-sano jir ah kaasoo lala xiriiriyey dil loo geystay wiil Soomaali ah oo 22-sano jir ah, sidda ay wararku sheegayaan.

Hay'adaha nabad-gelyadda ee si gaar ah ula tacaalaya falkan khaarijinta ah ayaa su'aallo waydiinaya eedeysanaha oo Sabtidii todobaadkan lagu qabtey gudaha caasimadda Dublin.

Waxyaabaha ay baareyaasha goobayaan kana doonayaan in ay ka xaqiijiyaan eedeysanaha waxaa kamid ah sababta dhabta ah ee ka dambeysay dilka marxuumka oo magaciisa lagu sheegay Maxamed ilyaas.

Sidoo kale, waxay ciidamadda ay si ku meelgaar ah ula wareegeen guri ku yaala xaafadda Blanchardstown halkaasoo la rumeysan yahay in fal-dambiyeedka lagu maleegay.

Taliska Booliska ayaa sheegay rajo wanaagsan ay ka qabaan in baaritaanka uu sababo natiijo wax ku ool ah taasoo dhabaha u xaari karta in gacanta lagu soo dhigo dambiileyaal kale oo ku lug lahaa falkan.

Marxuum Maxamed Ilyaas oo la beegsadey bilowgii todobaadkan ayaa markii la dilay waxaa meydkiisa lagu tuuray waddo dhinaceeda ah halkaasoo kalkii dambe laga soo qaadey.

Ireland ayaa kamid ah wadamadda qaaradda Yurub ee ay Soomaalida ka heleen daganaanshiyo kadib markii ay colaadaha sokeeye ka qarxeen dalka. Illaa hadda, ma jirto tirokoob la ogyahay oo lagu sameeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq Gargaar ah siisay Dad danyar ah

Goobaha mashruuca taakulenta bisha Ramadan la gaarsiiyay waxaa kamid ah Dr Xabeen, Maamo Ugaaso, Isbitaalka Martiini iyo SWC.

  • Wararka

    08-03-2025

  • 12:28PM

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq gaarsiisay Xabsiga Dhexe iyo Naafada Qaranka

Sidoo kale, isla Maanta waxay Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ay Lacag Cadaan ah iyo Neef Geel ah.

  • Wararka

    03-03-2025

  • 11:39AM