Nin mindi ku dilay Soomaali oo lagu xukumay 12-sano xarig ah
LONDON, United Kingdom - Nin ayaa xabsi lagu xukumay kadib markii lagu helay in uu mindi ku dilay wiil Soomaali ah oo dulaal dhanka caymiska u ahaa sababo ku aadan "in uu khiyaamay".
Moses Smith, oo 40 jir ah, ayaa marxuum Cabdi Maxamed tooreyda kaga dhuftay qoorta iyo madaxa. Falkan ayaa ka dhacay magaaladda ganacsiga caanka ku ah ee Wednesbury 8-dii Juun 2021.
Maxkamadda ayaa loo sheegay in Smith muddo ku suntan siddeed sano macaamiil u ahaa shirkadda Maxamed hase ahaatee uu ku doodey "in ay ka khasaarisay keydka hantidiisa".
Xeerbeegtadda ayaa, sidda ay warisay saxaafadda, waxaa Moses ay ku xukuntay 12 sano oo xabsi ah ka dib markii uu qirtay dil badheedh ah sababo la xidhiidha masuuliyadiisa oo yaraaday".
Dacwad oogaha oo lagu magacaabo Edwards Brown KC ayaa ku tilmaamay weerarkii lagu dilay Mr Mohammed 8dii Juun 2021 inuu ahaa "mid aan wanaagsaneyn oo aan laga fiirsan".
Cabdi Maxamed oo 26-jir ahaa xilligaas ayaa ku dhintay cisbitaalka isla maalintaas. Geeridiisa waxay si weyn u saameysay xubnaha qoyskiisa oo aad ugu tiirsanaa shaqadda uu haayay.
War qoraal ah oo maxkamadda laga hor akhriyay, walaashiis Hodan Maxamed, ayaa waxay ku sheegtay in "xusuustii maalintaas ay ahaayeen kuwo naxdin leh oo muuqda". "Weerarkani wuxuu ahaa kulan u dhexeeyay wanaagga iyo xumaanta," ayay raacisay.
Laba sano ka dib dhimashada Cabdi Maxamed, hantidii iyo dhaxalka uu ka tagay marxuumka waa mid wali nool iyadda oo lacagtiisa gudaha Soomaaliya looga dhisay xarun bulsho oo loogu magacdaray.
GAROWE ONLINE