Pakistan oo ka banaanbaxdey hadal kasoo yeeray Joe Biden

Image
Xukuumadda Islamabad ayaa u yeertey danjiraha Washington kadib dhawaqan kasoo yeeray madaxweynaha Mareykanka.

ISLAMABAD, Pakistan - Wasiirka arrimaha dibadda Pakistan ayaa sheegay in safiirka Maraykanka ee dalkaas loo yeeray ka dib markii madaxweyne Joe Biden uu sheegay in Pakistan "laga yaabo in ay noqoto mid ka mid ah dalalka ugu khatarta badan" ee adduunka oo haysta "hubka nukliyeerka ee aan maamuli karin".

Biden oo 79 jir ah ayaa faallooyinka ku sheegay khudbad uu ka jeediyay soo dhaweynta Guddiga Ololaha Koongareeska Dimuqraadiga Khamiista, kaasoo uu sidoo kale taabtay dagaalka Ukraine, Shiinaha iyo arrimaha gudaha.

Bilawal Bhutto-Zardari oo ah wasiirka arrimaha dibadda Pakistan ayaa tibaaxay mar uu shir jaraa'id ku qabtay magaalada dekedda leh ee koonfurta Karachi in uu "la yaabay" hadalka Biden.

"Waxaan aaminsanahay in tani ay tahay nooca isfaham la'aanta ee abuurta marka ay jirto wadashaqeyn la'aan," ayuu hadalkiisa sii raaciyay wallow uu adeegsadey luuqad aad u dabacsan.

Ra'iisul Wasaaraha Pakistan Shehbaz Sharif ayaa sidoo kale wuxuu gaashaanka ku dhuftey dhawaqa kasoo yeeray Biden, isagoo sheegay in dalkiisa uu yahay "dal nukliyeer haysta oo mas'uul ah".

Dhanka kale Sabtidii, Xoghayaha Warfaafinta ee Aqalka Cad, Karine Jean-Pierre, markii wax laga weydiiyay faallooyinka Biden, ayaa sheegtay in madaxwaynuhu "u arko Pakistan dal aamin ah oo barwaaqo ah iyo dal muhiim u ah danaha Mareykanka".

Muranka ayaa yimid wax ka badan hal usbuuc kadib markii taliyaha militariga Pakistan, General Qamar Bajwa, uu safar ku tagay Mareykanka oo uu kulamo heer sare ah la qaatay Xoghayaha Difaaca Mareykanka Lloyd Austin iyo Lataliyaha Amniga Qaranka Jake Sullivan.

Intaa waxaa dheer, bishii hore, Sharif wuxuu uga mahadceliyey Biden muujinta iyo ku boorinta beesha caalamka si ay u caawiyaan qaranka Koonfur Asia ee ka soo kabashada fatahaadaha xun ee saameeyay ilaa 30 milyan oo qof. Isbadalka Cimiladda ayaa lala xiriiriyey musiibadan oo noqotey midii ugu darneyd taariikhda waddankan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq Gargaar ah siisay Dad danyar ah

Goobaha mashruuca taakulenta bisha Ramadan la gaarsiiyay waxaa kamid ah Dr Xabeen, Maamo Ugaaso, Isbitaalka Martiini iyo SWC.

  • Wararka

    08-03-2025

  • 12:28PM

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq gaarsiisay Xabsiga Dhexe iyo Naafada Qaranka

Sidoo kale, isla Maanta waxay Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ay Lacag Cadaan ah iyo Neef Geel ah.

  • Wararka

    03-03-2025

  • 11:39AM