Pakistan oo laga saarey liiska dalalka maalgeliya argagixisada
ISLAMABAD, Pakistan - Ururka caalamiga ah ee ka hortagga is-dabamarinta lacagaha iyo maalgelinta argagixisada ayaa Pakistan wuxuu ka saaray liiska wadamada "taageera xagjirnimada" kadib afar sano uu dalkan ku jiray.
Go’aanka waxaa ku dhawaaqay madaxa FATFT Raja Kumar kadib markii uu soo idlaaday kulan labo maalmood qaatay oo ka dhacay magaalada Paris ee dalka Faransiiska.
"Pakistan waxay wax ka qabatay cilladaha farsamo si ay u buuxiso ballanqaadyada qorshayaasheeda waxqabad," ayuu Kumar ku yiri hadal-jeedintiisa oo aad looga soo dhaweeyay Islamabad.
Shirkii ugu dambeeyay ee FATF ee bishii Juun, ururka ayaa sheegay in Pakistan lagu hayn doono liiska ilaa inta booqasho uu ku tagayo dalka ay ka dhacayso si loo xaqiijiyo horumarka.
Ka dib, koox farsamo oo FATF ah ayaa u safray Pakistan dabayaaqadii Ogosto waxaana booqashada lagu dhawaaqay "guusha" xafiiska arrimaha dibadda ee Pakistan, kaas oo sheegay in ay filayaan "gabagabo macquul ah" kulanka soo socda ee qiimeynta ee bisha Oktoobar.
Ra'iisul wasaaraha Pakistan Shehbaz Sharif ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitterka kadib go'aanka Jimcihii lagu dhawaaqay wuxuu ugu hambalyeeyay dalkaas xilka ka qaadista.
"Pakistan ka bixida liiska cawlan ee FATF waxay cadeyn u tahay dadaalkeena go'aansan ee joogtada ah ee sanadaha soo socda. Waxaan jeclaan lahaa inaan u hambalyeeyo hogaankeena madaniga ah & militariga iyo sidoo kale dhammaan hay'adaha shaqada adag qabtey ee ay keentay guusha maanta," ayuu qoray.
GAROWE ONLINE