118 arday oo ka qalin jabisay Jaamacadda Bariga Afrika [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

26 September, 2015(GO)-Waxaa maanta magalada Garowe lagu qabtay munaasabad ay ku qalin jabinayeen 118 arday oo wax ka bartay jaamacadda Bariga Afrika faraca Garowe.

Ardayda oo isugu jiray wiilal iyo gabdho ayaa bartay kulliyadaha hormarinta bulshada, Sharciga iyo qaanuunka, maamulka iyo maaraynta, iyo cilmiga Computer-ka.

Gudoomiyaha Barlamanka Puntland iyo masuuliyiin ka socotay labada gole ee dowladda, maamulka Jaamacadda, macalimiin, ardayda wax ka barata iyo bulshada qaybahooda kala duwan ayaa ka soo qayb galay xafladda.

Ma'uuliyiin kala duwan oo ka hadlay goobta lagu qabtay xafladda ayaa khudbadahooda diiradda ku saaray sidii loo taageeri lahaa waxbarashada dhalinyarada iyo qabkii loogu samayn lahaa shaqo abuur.

Maamulka Jaamacadda Bariga Africa oo ka hadlay marxaladihii laga soo maray hirgalinta Jaamacadda, ayaa waxay tilmaameen in haatan buuxisay baahi tirka aqoonta ee ardayda Puntland.

Gudoomiyaha Barlamanka Puntland Siciid Xasan Shire ayaa sheegay inay dhalinyaradu la yimaadaan hal abuur, isagoo mesha ka saaray inaysan jirin sabab loo tahriibo.

Odoyaasha dhaqanka ayuu ugu baaqay Shire inay tixgaliyaan ardayda waxbaratay xilliga lagu jiro soo xulista Barlamanka Puntland.

Ardayda maanta qalin jabisay ayaa noqonaysa dufcadii Saddexaad ee ka baxday Jaamacadda Bariga Africa faraca Garowe.

GAROWEONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM