​12 qof oo cudur ugu geeriyooday Garowe [Dhagayso]

Image

GAROWE, Puntland- 12 qof oo carruur iyo dad waaweyn isugu jira ayaa ku geeriyooday magaalo Madaxda Puntland ee Garowe, sida ay noo xaqiijiyeen saraakiisha caafimaadka gobolka Nugal.

Dadkan ayaa dhammaantood u geeriyooday cudur saf-mar ah oo taagnaa ilaa bilowgii Bishan aan ku jirno ee February, 2017 kaasoo ka dhashay nadaafad xumo baahsan oo ka jirtay muddooyinkii dambe Kaamka barakacayaasha Shabeelle oo ay ku jiraan qoysas kasoo barakacay colaadaha ka jira Koonfurta iyo Bartamaha Somalia.

Isuduwaha Caafimaadka gobolka Nugal Maxamed Jaamac Xirsi, ayaa Radio Garowe u sheegay in dadkaas u geeriyoodeen cudur aan la aqoonsan balse wata buuq-bax {Shuban], kaasoo kalifay inuu ku baaho kaamka oo idil.

Xalay oo ugu dambaysay, wuxuu sheegay inay dhinteen 2 ruux oo midkood ahaa qof-weyn.

Wasaaradda Caafimaadka Puntland iyo dowladda hoose ayaa u fudiyay Kaamka Shabeelle Gurmad isugu jira Fayo-dhowr iyo daweyn.

Waxaa lagu waramayaa in xaaladda hadda kasoo raynayso sidii hore.

Cudurkan ayaa kusoo aaday xilli abaar baahsan ka jirta dalka Somalia, taasoo saamaysay dhammaan Miyi iyo Magaalo.

Inta badan Kaamamka Barakacayaasha, waxaa aad u hoosaysa Fayo-dhowrka, halka dowladda hoose lagu dhaliilayo inuu gaaro heerka intaas le'eg.

GAROWEONLINE

Related Articles

Maxay Tahay Tallaabada ay Puntland Qaadeyso Haddii Dowladda Federaalka Faragelin ku Sameyso Amnigeeda?

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadda Puntland ay heegan buuxa ku jiraan...

  • Puntland

    01-07-2026

  • 11:03AM

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM