​14 qof oo la hor geeyay Maxkmadda Darajada 1aad ee gobolka Nugal

Image

GAROWE, Puntland- Waxaa maanta Maxkamadda Darajada Koowaad ee gobolka Nugal la hor geeyay 14 qof oo muddo hadda laga joogo 2 bilood lagu qabtay duleedka magaalada Garowe ee caasumadda Puntland.

Dadka oo isugu jira 2 Darawal, 2 Haween ah iyo 10 rag ah ayaa lagusoo eedeeyay inay ahaayeen Tahriibayaal si sharci darro ah ku doonayay inay uga dhoofaan xeebaha Puntland.

Dadkan oo markii hore looga shakhiyay inay katirsanyihiin kooxda Al Shabaab, ayaa maanta dacwadooda loo fariistay, waxaana soo eedeeyay Xeer ilaaliyaha gobolka Nugal Cabdi Jaamac Dheeraad.

Waxaa goob joog ka ahaa, Xeer ilaaliyaha guud ee Puntland, Maxamud Xasan aw- Cusmaan, garsoorayaal iyo dadweyne dhagaysanayay kiiskan.

Eedayn kadib maxkamadda darajada Koowaad ee gobolka Nugal ayaa go'aan ka gaartay dacwadda eedaysanayaashaas, waxaana xorriyadooda la siiyay 12 qof oo lagu helay inay ahaayeen tahriibayaal.

Garsoore Cabdiqani Mire ayaa sheegay in xeerka Tahriibku uusan qorayn in dadkaan xabsi lagu xukumo, balse lagu celin doono deegaanadii ay ka yimaadeen, waxaana dadka lasii dayay ku jira labo dumar ah.

Maxkamadda ayaa sidoo kale xukuntay Darawaliinta waday Tahriibayaashaas oo lagu ganaaxay min $200, halka baabuurtooda la dul dhigay min $400.

Kiiskan ayaa imaanaya xilli muddo dadkaas lagu hayay xabsi ku yaalla magaalada Garowe, waxaana markii hore gacanta ku dhigay ciidamada Booliiska oo sheegay inay katirsanyihiin ururka Al Shabaab islamarkaana doonayeen inay u tallaaban buuraha. Booliiska oo waqtigaas la hadlayay warbaahinta Gudaha ayaa sidoo kale mid kamid ah raggaas sheegay inuu yahay ajnabi, balse mar dambe la ogaaday inuu yahay muwaadin Soomaaliyeed oo kasoo jeeda Koonfurta dalka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo Xaqiijiyay Duqeymo ka Dhacay Gobolka Bari ee Puntland

Madaxweynaha Mareykanka ayaa sidoo kale eedeeyay madaxweynaha hore ee Mareykanka, Joe Biden, in uusan si degdeg ah uga hortagin ISIS gudaha Soomaaliya.

  • Puntland

    01-02-2025

  • 06:48PM

Deni oo ku dhawaaqay inuu billowday wajiga 2aad ee dagaalka Daacish [Sawirro]

Isagoo xusay in Ciidanka bandhigga sameynayey si khaas ah loo tababaray oo ay ka qeyb qaadan doonaan wejiga labaad ee hawlgalka oo bilwomaya.

  • Puntland

    30-01-2025

  • 03:04PM