159 Arday oo ka qalin jabisay Jaamacadda PSU [Sawirro}

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Waxaa maanta Xaflad Qalin Jabin ah loo qabtay Arday ka baxday Kulliyadaha kala duwan ee Jaamacadda PSU faraceed magaalada Garowe, kuwaasoo gaarayay 159 Arday oo isugu jiray Wiilal iyo Gabdho.

Ardaydan ayaa baratay Culuum kala duwan oo isugu jiray; Dhaqaala, Ganacsiga, Caafimaadka, Cilmiga Tignoolajiyada, Sharciga iyo maamulka dowliga ah, kuwaasoo ay dhiganayeen sannadihii u dhaxeeyay 2012 iyo 2016.

Guddoomiyaha Barlamanka Puntland, Xildhibaano, Wasiirro, Maamulka Jaamacadda PSU, Walidiin, ganacsato iyo Marti Sharaf kale ayaa ka qayb galay Xafladda ay dhigteen Ardaydaas.

Maamule ku-xigeenka Jaamacadda PSU, Axmed Shire Axmed oo faah faahin ka bixinayay Ardayda Dhammaysatay heerkooda Koowaad ee waxbarashada Jaamacadda ayaa xusay in Ardaydu Qalin Jabinaysa 102 kamid ah ay shaqeeyaan hadda, taasoo ku macneeyay inay ku horeeyaan dhinac sumcadda iyo shaqo helista.

Qaar kamid ah dadkii kasoo qayb galay oo isugu jiray, Waalidiin, Mas'uuliyiin  iyo Ganacsato ayaa soo dhaweeyay guusha ay joogaan Ardaydu, waxayna Hambalyo u direen Arday guusha ka jooga Tacliintii ay soo wadeen Waqtiga dheer.

Wasiirka Waxbarashada Puntland, Abshir aw-Yusuf ayaa sheegay in Qalin jabinta Ardaydan muujinayso heerka waxbarashada iyo sida dhalinyaru dadaalka ugu bixinayaan inay aqoon kororsadaan, isagoo ballan qaaday inay garab taaganyihiin.

Guddoomiyaha Barlamanka Puntland, Axmed Cali Xaashi oo Xafladda soo xiray, ayaa sheegay in Ardayda looga baahanyahay sidii ay usii wadan lahaayeen waxbarashada qaybaheeda kala duwan, isagoo ka codsaday cilmiga uga faa'iideeyaan bulshada.

Sannad kasta xilliyadan oo kale waxaa Jaamacadda PSU lagu qabtay Xaflado ay ku qalin jabiyaan arday ka qalin jabisa Kulliyadaha kala duwan ee Jaamacadda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM