​19 Arday lagu sagootiyay Kalabayr, Nugal

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE- Munaasabad lagu sagootinayay 19 Arday dhammaysay dugsiga sare Nageeye ayaa lagu qabtay deegaanka Kalabayr oo qiyaastii 60KM dhinaca Koonfureed ka xigta caasumadda Puntland ee Garowe.

Xafladdan oo ay kasoo qayb galeen mas'uuliyiin kasocota wasaaradda waxbarashada, guddoonka waxbarashada gobolka Nugal iyo dadka deegaanka ayaa dardaaran iyo talooyin loogu soo jeediyay da'yarta dhammaysay waxbarashooda heerkii saddexaad islamarkaana waxaa lagu boorinayay inay bilaabaan heerka xiga ee Jamacadda.

Maamulaha iskuulka hoose, dhexe iyo sare ee Nageeye Axmed Maxamed Yusuf "Japan", ayaa  sheegay in dugsigan la aas-aasay sannadkii 1975-tii, wixii xilligaasi ka dambeeyayna uu soo maray marxalado kala duwan iyadoo 2010 loo sameeyay dugsi sare.

"Runtii Iskuulkan wuxuu leeyahay taariikh dheer, waxaana ka baxay Arday tiro badan oo dunida dacalladeeda wada jooga, waxaana farxad noo ah inaan maanta joogno xaflad aan ku sagootinayno dhalinyaradeeni waqtiga badan nala joogay,"Ayuu yir Japan.

Gudoonka waxbarashada gobolka Nugal Xaashi Xusen Farax, ayaa farxad ku tilmaamay munaasabaddan ay goob jooga u yihiin, isagoo sheegay  inaysan jiri doonin badal loo samaynayo ardayda dhigata Nageeye, wuxuuna ujeedka arrintaasi ku sheegay inay doonayaan qaabkii magalada iyo dadka joogaba loo kobcin lahaa.

Qaar  kamid waxgaradka deegaanka iyo asaasayaashii iskuulkan, ayaa bogaadiyay ardayda iyo macalliinta wax ka dhigta oo qaybtood ka yimaadeen degmada Borama ee gobolka Awdal, waxayna sheegeen inay diyaar u yihiin wax kasta oo aqoonta lagu hormarinayo.

Gudoomiyaha deegaanka Kalabayr Xasan Salaad ayaa qurba joogta iyo dhammaan bulshada reer Puntland usoo jeediyay inay ka taageeraan agabyada waxbarashada iyo qaabkii Dugsigu u noqon lahaa mid magac leh.

Suldhaan Siciid Maxamed Garaase oo ka mid ahaa duub dhaqameedkii kasoo qayb galay, ayaa sheegay in tuulooyinka oo muhiimadda la siiyaa abuurayso inaan la isku ciriiryin magaalooyinka islamarkaana wuxuu duco iyo ammaan u soo jeediyay da'yarta, isagoo kula dar-daarmay inay aqoonta maadiga ku daraan diiniga oo muhiimadda siiyaan.

"Runtii waxaa hadal qiimo leh ka hayaa madaxweynihii hore Puntland Cabdiraxmaan Farole waqtigii dugsiga sare lagu darayay iskuulkan, wuxuuna ahaa; yeynaan noqon dad qaarka sare ka cayilay ee aan noqon dad dheeli tiran, taas oo macnaheedu tahay in la dhiiri galiyo waxbarashada tuulooyinka si looga fogaado in waxbarashada loo soo doonto magaalooyika, taasina aysan kallifin in magaalooyinka yar yar laga soo hayaamo," Ayuu hadalkiisa ku daray Suldhaan Siciid Maxamed Garaase.

Dugsigan ayaa ah goobta kaliya ee Ardayda deegaanka Kalabayr wax ka bartaan, waxaana jira baahiyo dhawr ah oo sheegteen maamulka iyo Ardayda kuwaasi oo kala ah; Buugaan, Internet iyo Laboratory, waxayna wasaaradda Waxbarashada Puntland ka codsadeen inay ka tageerto arrintaasi.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Difaaca Puntland oo Guulo Ka Gaaray Dagaalka Dhulka ee Ka Dhanka ah ISIS

Dhinaca kale, khubaro dhinaca amniga ah ayaa ku tilmaamay guushan mid wiiqaysa awoodda kooxda ISIS ee gobolka Bari.

  • Puntland

    20-01-2025

  • 11:35AM

Soomaaliya: Puntland oo horumar weyn ka sameysay Howlgalka Hilaac ee ka socda G/Bari

Dagaalyahannada ISIS ayaa la kulmay khasaare weyn toddobaadyadii u dambeeyay kadib markii Madaxweynaha Puntland.

  • Puntland

    14-01-2025

  • 10:39AM